Xuska Munasabasabdda sanad-guurada 37aad ee ka soo wareegtay Geeridii Abwaan Timacadde

Hargeysa (kulmiye.org)- Munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii 37aad ee ka soo wareegtay Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacade, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadaas waxa ka qaybgalay madaxda axsaabta Mucaaradka, aqoonyahano, abwaano, salaadiin iyo martisharaf kale.
Ugu horayn, Boobe Yuusuf Ducaale oo hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu ku dheeraaday taariikhdii Cabdillaahi Suldaan Timacadde iyo gabayadiisii. Waxa uu sheegay in sannadkii 1973 uu Marxuum Timacadde ku geeriyooday tuulada Kalabaydh ee u dhexaysa degmada Gabiley iyo magaalada Boorama. “Waxaan xasuustay Cabdilaahi Suldaan Timacade wuxuu yaalay markaas meel Galoolay la yidhaahdo, xaaskiisii Ardo Qalinle Illaahay naxariistii janno ha siiyo, ayaa noo timi dhawr iyo toban cisho ka hor, markaasay tidhi ‘odaygii xaalkiisii wuu xun yahay, maalmahaas halkaasaan joogay. Cabdillaahi Suldaan Timacade Kansar baa cunaha kaga dhacay oo dalooliyay,” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Abwaan Axmed Aw Geedi oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyay, waxa uu ka waramay suugaantii Abwaan Timacadde.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu halkaas ka jeediyay Maanso la yidhaahdo Hal-abuur oo uu kaga hadlayay hal-abuurka iyo qiimaha uu leeyahay. “Waxa in kulmiyay Cabdillaahi Suldaan Timacade, xaaladan oo kale marka laga hadlayo qofkii dhintay in la xusayo, qofna qoys baa xusa, nin qabiil baa xusa, nin-na qaran baa xusa. Malaha caawa (xalay) Cabdillaahi Suldaan Timacade waa loo dhan yahay,” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame.
Maryam Cabdilaahi Suldaan Timacade oo iyana hadal kooban munaasibadaa ka jeedisay, waxay muujisay siday ugu faraxsan tahay xuska loo sameeyay aabaheed.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna hadal kooban xuskaa ka jeediyay, waxa uu sheegay in marxuum Timacade ka soo qaybqaatay halgankii dalka.
Sidoo kale, guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID, ahna kusimaha guddoomiyaha Aadam Maxamed Mire (Waqaf) oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu Illaahay uga baryay inuu marxuumka janada ka waraabiyo.
Ugu dambayn, Wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan Filfil oo hadal kooban ka jeediyay xuskaa, waxa uu tilmaamay in gabayadii marxuumku u badnaayeen kuwo wanaajinaya wada noolaanshaha bulshada.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
February 7th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.Org)- Munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii 37aad ee ka soo wareegtay Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacade, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.