Shabakada Timacade Oo Nimco Muxmed Ibrahim U Magacowday Madaxa Arimaha Bulshada
Nimco Muxumed Ibrahim oo loo magacaabay inay noqoto Mad axa Barnaamijyada Arrimaha Bulshada ee
Timacade News Network TNN
Maamulka shabakadda caalamiga ah ee Timacade News Network TNN , waxay ku war gelinayaan dhamaan asxaabta sharafta iyo qadarinta naga mudan iyo dhammaan shacbiga Somalilandba,in aanu u magacawnay Qoraa yadda weyn ee Nimco Muxumed Ibrahim , inay noqoto Madaxa Barn aamijyada Arrimaha Bulshada ee Timacade News Network TNN.
Nimco,waxa ay muddo dheer ku soo jirtay,kana hawl gashay saxaafada Somaliland qaybaheeda k ala duwan, waxaanay qayb laxaad leh ka soo qaatay, isku dubbaridka, soo diyaarinta, soo ururin ta iyo isku soo habaynta Barnaamijyada sida weyn u saameeya bulshada Somaliland,sida caafim aadka, aafada AIDS ka , tahriibta dhalinyarada iyo kuwa kale oo ay daraasad dheer ay ku samey sey , una gudbisay saxaafadda Somaliland.
Haddanu nahay dhammaan hawl wadeenada shabakadda Timacade News Network TNN, waxaanu u rajaynaynaa Nimco , in ilaahay hawshaa loo xil saaray u fududeyo , kana midho dhaliso.
Hambalyo Hambalyo Hambalyo Nimco Muxumed Ibrahim
Maamulka Timacade News Network TNN