Gud Siilaanyo Oo Xukuumada Ku Eedeeyay hadalada ka dhanka ah qaranimada Somaliland
![]() |
“Wasiir kasta iyo qof kasta oo loo yeedhaa waxa uu ku gabbanayaa Madaxweynaha, waxaasina waa gar-darro garab og”
Md. Axmed-Siilaanyo
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay beryahan dambe sii labanlaabtay tacadiyo iyo dhibaatooyin kala duwan oo ay ku waxyeellanayso nolosha iyo karaamada ummadda Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxa uu si kulul u cambaareeyey tallaabada wasiirka caafimaadku shaqada kaga eryey dhakhaatiirta waaweyn ee dalku u baahan yahay, kuwaasi oo uu sheegay in shaqo ka erigoodu ku salaysan tahay xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo wasiirka caafimaadka oo u arkay in dhakhaatiirtaasi aanay la argti ahayn, isaga oo dhinaca kalena ka hadlay tallaabada wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland ku diiday inuu horyimaado guddida dhaqaalaha golaha Wakiillada, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay gef laga galay dastuurka iyo qaranimada dalka.
Warsaxaafadeed guddoomiyaha KULMIYE ka akhriyey shrkaasi jaraa’id, waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan; “Waxaanu doonaynaa inuu halkan dareenkayaga iyo mawqifkayaga kaga dhiibano arrimo dhawr ah oo maalmihii u dambeeyey dalka ka dhacay, arrimahaas oo ah tallaabooyin amma falal ay xukuumaddu ku kacday oo aanu u aragno gef, tacadi iyo dhibaato loo geysanayo nolosha iyo karaamada ummadda.
Arrimahaas waxa ka mid ah kooxo dhakhaatiir ah oo shaqada laga eryey horraantii toddobaadkan, kuwaasoo ay mid yihiin 11 dhakhtar oo ka hawlgeli jiray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo weliba qaar kale oo badan oo ka hawlgeli jiray cusbitaallo kala duwan oo dalka ah, waxana ka mid ah dhakhaatiirta hore loo eryey maamulihii cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Yaasiin Carab oo la ogyahay wuxuu ka qabtay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Waxa kale oo xusid muddan in dhakhaatiirta la eryey ay ahaayeen kuwo muddo dheer ummadda ugu soo adeegayey si mutadawacnimo ah.
Sida aanu rumaysanahay amma ay sheegayaan warar xogogaal ah oo aanu haynaa dhakhaatiirtaa erigooda waxa ajburay sababo ay ka mid yihiin in aanay dhakhaatiirtaasi la aragti ahayn wasiirka caafimaadka iyo madaxda kalee xukuumadda madaxweyne Rayaale, sidaa darteedna erigooda la qallin-daraareeyey, iyadoo aan erigooda loo cuskan wax sharci ah iyo wax qiimayn ah oo shaqadooda la xidhiidha, waana xaaraan in dhakhaatiirta iyo dadka ka shaqeeya goobaha hal-bawlaha ah in aragti siyaasadeed amma waxa uu aaminsan yahay lagu eryo.
Gefka iyo tacadiga loo geystay xuquuqda shaqo ee kooxaha dhakhaatiirta ah waxa ka sii darran baahida caafimaad ee taal meelihii ay ka shaqayn jireen, meelahaas oo ay ku sugan yihiin boqolaal bukaan-jiif ah, iyadoo la ogyahay baahida ay ummaddu guud ahaan u qabto daryeel caafimaad. Taasi waxay muujinaysaa inaanay xukuumadda dalka ka jirtaa wax iyo muraad ah ka lahayn ummadda ee ay qofkii ummadda wax u tari lahaa ka door-biddayso qofka taageera xisbiga UDUB. Sidaa awgeed hadii aanu nahay xisbiga KULMIYE waanu canbaaraynaynaa, aadna way noo damaqday, tallaabooyinka ay xukuumaddu kula kacday adeegaayaashii caafimaadka dalka, waxaanuna ugu baaqaynaa xukuumadda madaxweyne Rayaale inay dib uga noqdaan talaabada caynkaas ah.
Waxa kaloo aanu halkan ku xusaynaa inuu xisbiga KULMIYE siyaasad cad ka leeyahay tayeynta adeegyada caafimaadka iyo kor-u-qaadidda daryeelka adeegayaasha caafimaadka, taasna waxaanu ku soo bandhigaynaa barnaamijkayaga.
Waxa kale oo ka mid ah arrimaha maalmahan u dambeeyey dhacay shir la sheegay inuu ka socdo Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, shirkaasna sida ay jaraa’idku qoreen ay xukuumaddu daadihinayso, ugu yaraan laba dareen amma arrimood ayaa ka dhashay oo ay ummaddu iswaydiinaysaa.
Marka hore waxa la sheegay in shirkaa lagaga hadlayo caawimooyinka ay beesha caalamku siinayso Somaliland, taasoo la sheegay in labadii sannadood ee ina dhaafay ee 2008 iyo 2009 ay beeshu caalamku Somaliland soo gaadhsiisay dhaqaale gaadhaya 216 milyan oo dollarka Maraykanka ah, dhaqaalaha intaa le’eg-na waxay ummaddu iswaydiinaysaa halkuu galay iyo waxa ummadda loogu qabtay, iyadoo xukuumaddu hore u sheegtay markii dhaqaalahaa la qoondaynayey sannadkii 2008 in dhaqaalahaa la gelin doono dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada, loona maamuli doono si waadaxa oo xisaabtan leh (Transparency). Haseyeeshee, waxaynu ognahay baahida adeeg, dayaca nololeed iyo horumar la’aanta haysa bulshada reer Somaliland, dhaqaalaha intaa le’egna waxaannu u aragnaa inuu wax badan dabooli lahaa hadduu yahay wax waddanka galay, sidaa darteed xukuumadda madaxweyne Rayaale waa inay ummadda ka qanciso meesha uu dhaqaalahaasi galay iyo sida loo maamulay, iyadoo xisbiga KULMIYE si weyn diiradda ugu hayo, siyaasad cadna ka leeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka iyo kor-u-qaadidda heerka nololeed ee bulshada, taasna waxaanu ku soo bandhigi doonaa barnaamijka waxqabad ee xisbiga. .
Sida ay qoreen jaraa’idka qaarkood waxa kale oo ka mid ah wararka soo baxaya shirkaas in lagaga hadlay arrimo dareen iyo guux dhaliyey oo ku saabsan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, taasoo la sheegay in madasha shirka lagaga tiraabay inay Somaliland tahay gobol ka mid ah Somaliya, taasna xukuumaddu ilaa hadda wax jawaab ah kama bixin. Mana caddayn mawqifka ay ka taagan tahay aragtida caynkaas ah, sidaa darteed xukuumadda madaxweyne Rayaale ee shirka daadihinaysa waxa looga fadhiyaa inay caddayso mawqifkeeda arintaa ku saabsan.
Waxa kale oo ka mid ah arrimaha maalmahan dhacay ee sida weyn noo damqay arrin Axaddii ka dhacday magaalada Tog-wajaale, taasoo ah inay boolisku si xun u garaaceen, kadibna xabsiga u taxaabeen nin laxaadla’ oo curyaan ah, ninkaas oo ah nin dhallinyaro, magaciisana la yidhaa Faarax Axmed Maxamed. Waxa la sheegay in sababta loo garaacay, xabsigana loogu taxaabay tahay laba arrimood; ta hore maqaal uu ku qoray wargeyska Geeska Afrika oo uu kaga cabanayo tacadiyo hore bilaysku ugu geysteen iyo ta labaad oo ah inuu ka mid yahay taageerayaasha xisbiga KULMIYE. Sidaa darteed, aad iyo aad baanu xisbi ahaan u canbaaraynaynaa falkaa tacadiga ah ee bilaysku kula kacay ninkaa curyaanka ah, waxaanuna taliyaha bilayska Somaliland uga fadhinnaa inuu ummadda u sheego sababta ay waxaasi u dhaceen, waana ka digaynaa inay falal caynkaas oo kale ah dib u dhacaan, iyadoo ay had iyo goor taageerayaasha xisbiyada mucaaradka iyo guud ahaanba dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland kala kulmaan maamulayaasha xukuumadda Rayaale falal tacadiya oo ay ka mid yihiin; haddidaad, xadhig, cabudhin iyo dhibaatooyin kale, waxyaabahaasna haddii xukuumaddu ka waantoobi waydo, waxay keeni doontaa cawaaqib-xun, mana aha wax loo dulqaaddan karo.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shirkaas jaraaa’id lagu weydiiyey sida uu u arko muranka ka dhex taagan guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha, waxa uu ku jawaabay; “Waxa jira in maamulka dalka ka jiraa ay sharciyaddii iyo distoorkii dalka ku tunteen, isla markaana ay doonayaan inay karaamada ka qaadan golayaasha sharci-dejinta ee uu ka mid yahay Golaha Wakiilladu, waxaynu ogeyn ciidankii la dul geeyey Golaha Wakiillada iyo waxyaabihii lagu sameeyey Golaha Guurtida, waxyaabahaasina waa sharci-darro iyo karaamo-darrada xukuumadda maanta jirta.
Guddiga Dhaqaalaha iyo Golaha Wakiillada waxay xaq u leeyihiin inay wasiirka iyo qofkasta oo qaranka u shaqeeya u yeedhaan oo ay hawshiisa iyo xilka qaranka ee uu hayo waa waajib distoori ah, wasiir kasta iyo qof kasta oo loo yeedhaanna waxa uu ku gabbanayaa Madaxweynaha, waxaasina waa gar-darro garab og. Arrintaasina waxaannu u aragnaa mid ay Rayaale iyo xukuumaddiisa aad iyo aad ugu khaldan yihiin, waanna gef ay ka galayaan qarannimada, Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiillada] iyo sharciyaddii dalka u taalay.”
Waxa kale oo Guddoomiyaha la waydiiyaan in xisbigiisu leeyahay siyaasad iyo hay’ad dabagal ku sameysan, isla markaana u doodda dadka tacadiyada iyo dhibaatooyinku ka soo gaadhaan taageerada xisbiga u hayaan, isaga arrintaa jawaabayana waxa uu yidhi; “Runtii waxa weeye dadka tacadiga loogu geysto taageerada xisbiga KULMIYE aad baannu ugu doodnaa, isla markaana uga warhaynaa oo waa nagaa iminkaba ka hadlayna ninkaa curyaanka ah ee lagu xidhay Wajaale, qoraallo aannu ka ururinaana way jiraan, laakiin haddana qaar na seegay way jiraan oo iminka liis aannu soo daabacno oo noo qorani ma jiro, balse haddaanu faylashayadii dib u baadhno waannu ka helaynaa dadkii dhibaatada loo geystay, marar badanna waannu ka hadlanaa oo waannu u doodnaa, wixii taageero itaalkayaga ahna waannu ka tarnaa, laakiin waxaan xataa kuwa aan ka taageersanayn markay dhibaatooyin soo gaadhaan waannu u doodnaa hadday saxaafadda, ganacsatada xoolaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwa la xidho iyo kuwa tacadiyada loo geystaba waannu u doodnaa.”
Jamhuuriya Online
