Hadii Ay Jirto Inay Gaf Tahay Sharaf Darada Loo Geestay Xildhibaanka: Gudmiyaha Awdal

Guddoomiyaha Awdal Oo Sheegay Inay Gaf Tahay Hadii Ay Jirto In Xildhibaan Xasan Cawaale Kaantaroolka Boorama Loogu Gaystay Xad Gudub
“Waanu Waafaqsanahay In Baadhis Lagu Sameeyo Cidii Falkaasi Ku Kacday, Waxay Ahayd Inuu Xildhibaanku Nagu Soo Noqdo”
Maxamuud C/Laahi Cige
Hargeysa, February, 26, 2010 (Haatuf) – Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamud C/laahi Cige ayaa sheegay hadii xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ay ciidanka kaantaroolka magaalada Boorama laga galo ay kula kaceen xadhig, cago juglayn, iyo baadhasho ay tahay arin gaf ah oo fool xun, isagoo dhinaca kalena sheegay in saraakiisha boolisku ay u sheegeen inayna xaqiijin karin in xildhibaanku magaalada Boorama yimid.
Guddoomiyaha gobolka Awdal waxa kale oo uu sheegay inuu waafaqsan yahay in baadhis lagu sameeyo falkaasi uu sheegay in lagula kacay.
Guddoomiyaha Awdal Maxamud C/laahi oo wargeyska Haatuf xalay khadka telefoonka wax kaga waydiiyey falkaasi xildhibaan Xasan Cawaale uu sheegay in askarta kantaroolka Boorama kula kacay ayaa isagoo arinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Arinka xilhibaan Xasan Cawaale joornaalka ayuun baan ku arkay markii aan saraakiisha ciidanka waydiiyeyna waxay igu yidhaahdeen arinkaasi waxba kama jiraan, waxaanay ii sheegeen in imaatinkiisa magaalada ay ka shakisan yihiin hase yeeshee hadii arintaasi dhacday waa arin gaf ah oo fool xun oo aan wanaagsanayeyn”
Mar aanu waydiinay badhasaabka Awdal Maxamud C/laahi sida uu u arko dalabka uu xildhibaanku ku soo jeediyey in gudi baadhis ah loo saaro falka lagula kacay waxa uu yidhi “in arinkaasi baadhis lagu sameeyo oo uu sheego ragii baadhay naguna soo noqdo waa arin aan waafaqsanahay, hase yeeshee xildhibaanku waxa ay ahayd intaanu arinkaasi faafin inuu masuuliyiintayada gobolka la soo socodsiiyo naguna soo noqdo”
S: Wuxuu sheegay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan in askarta kaantaroolku ay u ogalaan wayday inuu ku noqdo magaalada Boorama,mudo 20 daqiiqo ka dibna xayiraadii ay ka qaadeen ?
J: Horta xildhibaanadu karaamo iyo sharaf ayey naga mudan yihiin mana jeclin in gaf iyo meel ka dhac lagu sameeyo, hadii ay jirto in cago juglayn xadhig iyo baadhasho lagula kacay waa inuu isagu nagu soo noqdo imika oo uu cadeeyo cida ay ahaayeen ee falkaasi kula kacday.
Dhinaca kale taliyaha saldhiga magaalada Boorama Muuse C/laahi oo isagana aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay xalay isagoo jooga Boorama oo wax kaga waydiinay arinkaasi xildhibaan Xasan Cawaale ayaa isaguna noo sheegay inaanay waxba ka jirin dhacdadaasi, isagoo intaasi ku daray inay soo dhawaynayaan in gudi baadha loo saaro falkaasi xildhibaanku sheegay in loogu gaystay kaantaroolka Boorama doraad, isagoo taliyuhu arinkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “falkaasi uu sheegay xildhibaan Xasan Cawaale anagu ma hayno waxaananu qabnaa in gudi baadhitaan ku samaysa loo saaro in falkaasi dhacay, markii aanu askarta kaantaroolka waydiinay in falkaasi dhacay waxay noo sheegeen inaanu jirin, balse waxa kaliya ee ay noo sheegeen in nin gaadhi aanu lahayn watay ay ku waydiiyeen goobtaasi liisankii gaadhiga kana waayeen”.
Dhinaca kale xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isagu ka mid ah xildhibaanada firfircoon ee wakiilada kaga jira xisbiga UDUB lagana soo doortay gobolka Hargeysa gaar ahaana dagmada Gabiley ayaa isagu doraad sheegay in ciidanka kaantaroolka bari ee laga galo magaalada Boorama ay u gaysteen xad gudub iskugu jiray xadhig, baadhasho iyo aflagaado uu ka gaabsaday inuu iftiimiyo, tilmaamayna in gudi baadhis ah loo saaro xad gudubkaasi lagula kacay talaabada lagula kacay xildhibaankan ee uu ka dhawaajiyey ayaa la sheegay inay xiisad kulul ka dhex abuurtay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Boorama iyo guud ahaanba shacbiga ku dhaqan caasimada Hargeysa, oo iyagu si wayn wax iskaga waydiinayey sababta keentay in falkaasi lagula kaco xildhibaankaasi oo ka mid ah wakiilada muxaafidka ee sida wayn u taageera hab dhaqanka hogaaminta xukuumada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Waxa kale oo ay su’aalo iska waydiinayaan shacbigu aflagaadooyinka uu sheegay in qaranimada ay wax u dhimayaan ee uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxay ahaayeen.