Mudane Axmed-Siilaanyo oo Telefoon Kula Hadlay Madaxaweyne-ku-xigeenka Somaliland


Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay khadka telefoonka kula sheekaystay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo xaalad caafimaad u jooga dalka Faransiiska.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xarunta dhexe ee KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee xisbigaas Md. Keyse Xasan Cige, waxa Madaxweyne-ku-xigeenku u sheegay in xaaladdiisa caafimaad u fiican yahay, isagoo Guddoomiye Siilaanyo-na Ilaahay uga baryey caafimaad degdeg ah.

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanna waxa uu u qornaa sidan:

“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta [shalay] telefoon kula hadlay Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadda socdaal caafimaad ku jooga dalka Faransiiska, wuxuuna ka warraystay xaaladdiisa caafimaad.

Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu uga warramay Mudane Axmed Siilaanyo xaaladdiisa caafimaad, wuxuuna u xaqiijiyey inuu aad iyo aad u wanaagsan yahay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan xubnaha iyo taageerayaasha xisbigaba u gudbiyey Madaxweyne-ku-xigeenka salaan, waxaannu Ilaahay uga baryey inuu caafimaad sareecanna siiyo.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu u rajeeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin inuu ku soo laabto dalkiisa hooyo isaga oo caafimaad qaba, si uu u sii wato hawshii uu qaranka u hayey,” ayuu warsaxaafadeedkiisa ku yidhi Xoghayaha Guud ee KULMIYE.

Xigasho/ Jamhuuriya Online

Comments are closed.