Roobab Maansheeyey Gobolada Dalka Somaliland Iyo Deegaanada Raxmadu Ka Da’day

Hargeysa, February 28, 2010 (Haatuf) – Roobab aad loogu diirsaday oo biyo dhig wayna keenay ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey si wayn uga da’ay gobolada dalka Somaliland, iyo guud ahaanba deeganada miyiga
Iyadoo magaalooyinka waawayn ee ay ka mid tahay caasimada dalka ee Hargeysa roobabkii ku bilaabmay habeenkii sabtida todobaadkan ay roobabkii bilawday subaxii ay ku gabal dhacsadeen iyagoo raxamadaa Alle ku maansheeyey ay ka siman tahay dalka, iyagoo magaalooyinka qaarkood mudo 4 saacadood oo xidhiidh ah ay uga dayeen, balse ayna ka dhalanin ilaa hada inta la ogyahay wax khasaare ama dhibaato ah oo ay gaysteen.
Deegaanada ay roobabku ka kala da’een oo la sheegay shalay subaxdii si ay ku bilaabmeen in ilaa xalay ay ka da’een ayaa waxa ka mid ahaa Gobolkada Maroodi Jeex iyo deegaamada hoos yimaada caasimada dalka ee Hargeysa, Gobolka Awdal gaar ahaan caasimadiisa Boorama iyo guud ahaanba deegaamada hoos yimaada ee ay ka mid yihiin Baki, Xariirad, Lughaya, Boon oo naloo sheegay in ilaa xalay uu roobku hayey deegaamadaasi, dhinaca kale Gobolka Salal oo xaruntiisu tahay dagmada Saylac ayaa isagana naloo sheegay in roob balaadhani ka da’ay shalay galab.
Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa wararka aanu ka helayno waxa ay noo sheegeen in magaalada Burco roobkii ku bilaabmay shalay Casarkii uu ilaa xalay ka da’yey.
Magaalada Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa iyadana wararka aanu ka helnay ay noo sheegeen in roob aad u balaadhani ka da’ay mudo 4 saacadood ahna uu si xidhiidh ah uga da’yey.
Roobabkan maasheeyey Gobolada dalka oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey si xidhiidha uga da’yey Somaliland ayaa waxay soo afjareen abaarihii iyo biyo la’aantii mudooyinkii u danbeeyey ka taagnaa qaar ka mid ah Gobolada dalka ee Somaliland, kuwaas oo ay saamayn ku yeesheen xoolaha iyo dhul daaqsimeedkii deegaanada miyiga.
Xigasho/ Haatufnews