Guddida Doorashada oo ka hadlay Kaadhadhka codaynta ee cusub iyo sababta keentay in la sameeyo

http://radiosomaliland.com/media/1/20051006-Elecommision.jpg

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay Kaadhadhka cusub ee la sheegay inay dhawaan u samayn doonaan in lagu galo Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Afhayeenka Guddida Doorashada Somaliland Axmed Maxamed Xirsi (Geelle) oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in muddo laba toddobaad ah ay ku mashquulsanaayeen dhismaha Guddiyada gobollada ee Komishanka Doorashooyinka, isla markaana ay hadda dhammeeyeen dhismahooda. “IInkasta oo ay soo baxeen khaladaadyo yar-yar oo aan badnayn, haddana guddiyada aanu dhisnay waanu isla qaadanay Axsaabta Siyaasadda oo waanu isku waafaqnay.” Ayuu yidhi Afhayeenka Guddida Doorashooyinku.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Kaadhadhka cusub ee ay samaynayaan ay iyagu xaq u leeyihiin samayntooda, isla markaana ay kala tashadeen Axsaabta iyo Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland. waxaanu xusay in Kaadhadhkaas la siin doono dadka ku soo baxa Liiska saxda ah ee kala-shaandhaynta dadkii isdiiwaangeliyey. “Waxaanu Kaadhadhkan u samaynaynaa si loo helo Doorasho xor iyo xalaal ah waxa daruuri noqotay in la helo Kaadhadh cusub, waxaana samaynta Kaadhadhka u tartamay Shirkado kala duwan oo ay ku jiraan kuwo Somaliland laga leeyahay, hase ahaatee waxa ku guulaystay Shirkad Ajaanib ah.” ayuu yidhi Afhayeenku.

Mar la waydiiyay Afhayeenka Magaca Shirkadda ku guulaysatay samaynta Kaadhadhka iyo dalka laga leeyahay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Shirkadda waxa la yidhaahdaa Face Technology, waxaana laga leeyahay dalka Koonfur Afrika.”

Sidoo kale, mar uu ka jawaabayay waqtiga ay qaadan doonto kaadh-samayntu, wuxuu sheegay inay qaadan doonto muddo bil ah, isla markaana aanay dib u dhigi doonin Doorashada.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Comments are closed.