http://www.haatuf.net/images/2003/289-p01.jpg

Hargeysa(Kulmiye.org):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ahna Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), ayaa qaddiyada gooni-isutaagga Somaliland ku tilmaamay mid ka dhalatay dareenka dadkeeda, isla markaana cid ka hadasha meelahaas aanay ka duwi karin jidka ay himiladeeda ugu joogto.

Axmed-Siilaanyo, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo ay shalay Xafiiskiisa Hargeysa kula yeesheen Wariyayaasha Hadhwanaagnews.com Cabdifataax Mursal iyo Cali Caanadhame, kaasi oo uu kaga jawaabayay hadallo ka dhan ah xaqiiqada taariikhda Somaliland iyo hadafkooda ku aaddan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, hadalladaas oo ka soo yeedhay Ray´sal-wasaarihii dawladdii Rayidka ahayd ee Soomaaliya sannadihii lixdamaadii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ka dib waraysi dheer oo ay la yeelatay Idaacadda BBC-du Cabdirisaaq Xaaji oo wakhtigan dagan dalka Maraykanka.

Waraysigaas uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen BBC-da siiyey, waxyaabaha uu kaga hadlay waxa ka mid ahaa dareemadii diidmada ahaa ay dadka reer Somaliland ka muujiyeen isku-darkii labada dhinac ee 1960-kii dhismaha hannaanka dawladeed, kaasi oo uu sheegay inay ku kala qaybsanaayeen bulshada Somaliland, biyo diidkaasina uu ku koobnaa beel kaliyaata, halka ay Beelaha kale ee darafyada Somaliland ay ka taageersanaayeen dawladdaas, waa sida uu C/risaaq Xaaji sheegaye. Hase ahaatee, Mudane Siilaanyo ayaa dhawaaqaasi ku tilmaamay mid ayaan-darro ah oo ka fog xaqiiqada. Isaga oo sheegay in qaddiyada israaca oo ahayd mid caaddifi ah Bulshada Somaliland ay ku doonaysay Midnimo shan Soomaaliyeed. Hase-yeeshee, markii wakhti yar ka dibba ay arkeen in laga leexday sidii uu qorshuhu ahaa ay ka biyo diideen iyaga oo ay u wada dhan yihiin dadka reer Somaliland.

Guddoomiyaha XIsbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tibaaxay in go´aanka dib ula soo noqoshada xorriyada ee wakhtigaasi dhashay ay hormuud ugu ahaayeen Saraakiishii isku dayga Inqilaabkii midnimadii wax yar ka dib, kuwaasi oo ka koobnaa Beelaha kala duwan ee ay kulmiso Jamhuuriyadda Somaliland. Axmed-Siilaanyo waxa uu intaa ku daray, in Somaliland ay leedahay taariikh, dhaqan, dhul iyo xuduud soo jireen ah oo aan muran gali karin. Sidaa daraadeedna, aan dadka iyo dalka Somaliland aan hadal qof yidhi kala furfuri karin ee ay Somaliland horana uga midaysnayd, imikana ka midaysan tahay qaddiyada jiritaankeeda.

“Taariikhda Somaliland may ahayn marnaba mid qarsoon, hadday noqoto xilliyadii Isticmaarka, wixii ka dambeeyey iyo wixii ka horeeyey-ba, waxaanay ahaayeen Bulshada reer Somaliland dalkii u horeeyey Soomaali ee xorriyaddiisa ka qaata Mustacmaraddii Ingiriiska, maantana ay heegan iyo geeddiba u tahay sidii ay himiladeeda uga midho-dhalin lahayd.” Sidaa ayuu yidhi Siilaanyo.

Guddoomiye Siilaanyo, waxa uu ka waramay halgankii dheeraa ee loo soo maray Somaliland sidii ay mar labaad xorriyaddeeda ula soo noqon lahayd, taasoo uu xusay inay xaqiijisay sannadkii 1991-kii.

Md. Siilaanyo mar uu ka hadlayay qaddiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland oo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ku tilmaamay mid aan sinaba suurtagal u ahayn inay Somaliland aqoonsi ka hesho Beesha Caalamka, gaar ahaan Waddamada Qaaradda Afrika, haddii ay dhacdo in la aqoonsadana ay Afrika mushkulad ku noqonayso oo dal kastaba qaybi ka go´ayso. Hase ahaatee, waxa uu sheegay Siilaanyo inay taasi tahay hadal meel waayay, Somaliland-na uu yahay waddan leh xuduudo caalamiya, Beesha Caalamkana Saaxiibbo badan ku leh, qaddiyada aqoonsiguna ay tahay mid ku xidhan hadba sida ay Somaliland ugu hawlgasho helitaankiisa. Siilaanyo waxa uu sheegay inuu tixgelin badan u hayo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, hase ahaatee, Cabdirisaaq wakhtigan yahay nin hawlgab ka ah arrimaha Siyaasadda, isla markaana aan la socon xaaladaha iyo heerarka siyaasadeed xilligan ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxa uu ku dooday inay Somaliland tahay meesha kaliya ee leh nidaam dawladeed oo dhisan, kala dambayn iyo nabadgalyo ka jirto marka loo eego Soomaalida kale. Sidaa daraadeedna ay haboon tahay in la isu soo duceeyo ee aan lays docadocaynin, horumarkeeda, waxa ay qabsatay iyo dawladnimadeedana lagu tixgeliyo Somaliland, isaga oo xisay in laga yeelo si la mid ah sida ay Somaliland uga go´antay inaanay dhibaato u gaysan Mushtamaca Soomaalida ah ee ay Somaliland ka dhaxeeyaan jaarnimada, Walaalnimada iyo kuwada noolaanshaha Mandaqadda ah.

Mar Axmed-Siilaanyo la waydiiyey saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo Afrika dhexdeeda hadal dhawaan ka soo yeedhay  Madaxweynaha Liibiya Col, Qadaafi oo uu ku sheegay inaanay suuragal ahayn in Somaliland la aqoonsado. Waxaanu Siilaanyo su´aashaas kaga jawaabay oo uu sheegay inay Liibiya iyo qaar kale oo Carba ka mid ahiba mar walba ahaayeen kuwo ka soo horjeeda qaddiyada gooni-isutaagga Somaliland, iyaga oo eegaya waxa loo yaqaanno wadaagga Siyaasadda guud ee Gobolka. waxaanu sheegay inaanay diidmadaasi ahayn mid ku cusub Somaliland, laakiin waa wax u baahan inaynu u yeelanno dedaal iyo siyaasad oo arrimahaas lagaga hortago oo qodaxda lagaga guro.

Somaliland doorashooyink kala dambeeyey ayaa u qabsoomay, mar walbana waxa la sheegaa in qaddiyadda aqoonsisiga Somaliland tallaabooyinka soo dhawaynaya ay qayb ka yihiin qabsoomidda doorashooyinku, hase ahaatee, marar kala dambeeyey waxa dib-u-dhac ku yimi qabsoomidda doorashada Madaxtooyada, ilaa iyo imikana ma cadda wakhti cayiman oo ay suuragal tahay qabsoomidda doorashadu, taasi siday saamayn ugu yeelan kartaa kasbashada aqoonsiga Somaliland ka rajaynayso Beesha caalamka?

Aragtidiisa ku waajahan ammuurtaas isagoo iftiiminaya waxa uu sheegay Guddoomiye Axmed-Siilaanyo. inaan shaki ku jirin saamaynta dib u dhaca doorashada ku yimaaddaa uu ku yeelan karo Somaliland, isaga oo tilmaamay in waxa laysku qiimeeyaa tahay geeddi-socodka hannaanka dimuquraaddiyadeed iyo hadba sida dalalka qaatay ay u dabbakhaan. waxaanu xusay in dib u dhacyadii hore ee doorashada ku yimi inay dhaawac wayn u gaysteen Somaliland, isla markaana adduunweynuhu aad ugu dhalliilay. waxaanu intaa ku daray in dhinacyada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka inay shiishka saarayaan meel-marinta qodobbadii dhinacyada siyaasadda lagu heshiisiiyey iyo qabashada doorashada inta sannadkan lagu jiro. Waxaanu Siilaanyo ka dayriyey caqabadaha ay Somaliland ku yeelan karto doorashada oo dib uga dhacda sannadkan, haddii ay dib u dhacdana Somaliland lagu tirin doono waddamada guuldaraystay.

Md. Axmed-Siilaanyo, waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey tallaabada Guddiga doorashooyinka Somaliland haatan ku guda jiraan ee baddalaadda kaadhadhka iyo sida uu ula muuqdo dhawaaq dhawaan Guddigaas ka soo yeedhay oo ay dadweynaha kaga codsadeen inay ciddii wax hal kaadh ka badan qaadatay wakhtigii diiwaangelinta Illaahay dartii maanta u soo xareeyaan. Waxaanu sheegay Siilaanyo inay taasi tahay arrin farsamo, isla markaana aanay Xisbi ahaan wax fara gelin ah ku samaynahaynin, dhibna u arkayn, maadaamoo ay tahay shaqadii loo igmaday Komishanka doorashooyinka. “Waa aynu ogyan dhibaatooyinkii ka yimi kaadhadhkii la qaatay… markaa kaadhadhka ugu danbeeya ee lagu codaynayaa waa inay noqdaan kuwo la isla ogol yahay oo la isla eegay oo ka soo baxay Serverkii (Mishiinkii kala shaandhaynta la diiwaangeliyayaasha)oo goobaha lagu dhejiyey oo la isla ogolyahay, waana khasab in kuwii hore la bedalaa, haddii kale oo la yidhaa halagu galo waxay keenaysaa dhibaato,,”. Sidaas ayuu yidhi Axmed Siilaanayo..

Haddaba, Akhriste waraysigaas oo dhamaystiran, dhinacyo badanna taabanaya oo cod ah waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa qaybaha dambe ee Radio Hadhwanaagnews.com…

Xigasho /Hadhwanaagnews.com/Office

Comments are closed.