Guddoomiyaha KULMIYE oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Maamul-gobolleedka Puntland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa hanjabaada maamul goboleedka Garoowe ka soo yeedhay dhawaan ee ku saabsanayd in weerar ay ku soo qaadi doonaan Somaliland ku tilmaamay in ciidamada qaranka Somaliland iyo shacbi waynuhuba ay isku raacsan yihiin difaaca dalka ugana digay maamulka Garoowe in xuduuda Somaliland iyo Somalia iyo guud ahaanba deegaanada gobolka Sool ay ka abuuraan colaado amaan daro.
Shaacana ka qaaday in ciidamada qaranku ay ku filan yihiin difaaca dalka, tilmaamayna in bulshada ku dhaqan deegaanada Sool ay aragtida ku kala duwanaan karaan, balse uu shaaca ka qaaday in deegaanada Sool, bariga Sanaag, iyo buuhoodle ay yihiin Somaliland.
Mujaahid Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in waftiga golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada Somaliland ee socdaalka marti qaadka ah ugu kicitimay dalka maraykanka ay soo dhawaynayaan, xusayna in marti qaadka loo fidiyey golayaasha qaranku muujinayo xidhiidhka maraykanka iyo Somaliland.
Mujaahid Axmed Siilaanyo oo shalay galab wargeyska Haatuf khadka telefoonka xogwaran khaasa kula yeeshay ayaa sidoo kale waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee gobolka Togdheer todobaadkii hore labada qof kaga dhinteen ee ka aloosmay deegaanka waqooyiga Burco ee Bali-samakaab. Axmed Siilaanyo oo ugu horayn ka hadlaya dilalka ka dhacaya gobolka Togdheer iyo xiisada oogan waxa uu yidhi “arintaa marka u horaysa waa arin aanu aad iyo aad uga xunahay, geerida iyo dhibaatada dadkaa walaalaha ah ku kala dhacdayna waa arin aanu ugu baaqayno cida ay khusayso in wixii nabad galyo daro keenaya ay iska ilaaliyaan si walaalnimo iyo xilkasnimo ku jirtana arimaha dhexyaala ay u xaliyaan, waxa kale oo aan mahadnaq u jeedinayaa odayaasha gurmadka ah iyo ciidamada qaranka ee u hawl galaya daminta shaqaaqadaa, Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ku guuleeyo waxaanu leenahay marxalada lagu jiro waa in aynu ka feejignaano wixii nabad galyo daro keenaya, iyadoo mandaqada aynu ku noolnahayna ay meelo badan ka muuqdaan isku dhacyo loo baahan yahay in aynu ahmiyada siino nabad galyada wixii gudaheena dhibaato yimaadana aynu gudaheena si xilkasnimo ah waxa hadal ugu xalino”.
S: Hanjabaada ka soo yeedhay dhawaan maamulka Garoowe ee ay ku sheegeen in weerar dagaal ay ku soo qaadi doonaan ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool, sideed u aragtaa?
J:Horta marka u horaysa ciidamada qaranku way joogaan xilkooda difaaca iyo waajibaadkoodiina way gutaan, waxaanan hubaa in difaaca dalka ay heegan u yihiin ciidanka qaranka iyo shacbiga Somaliland, ama Laascaanood ha joogaan ama Saylac ha joogaan ama dalka intiisa kale ha joogaan waxa si wada jir ah iskugu raacsan yihiin difaaca dalka ayaan aaminsanahay mar labaad inaga iyo Puntland xidhiidh darisnimo, wada shaqayneed iyo isu socod ayaa inaga dhaxeeyey, waynu ognahay haliso badan oo inagu yimid oo mandaqadeena aad u waxyeeleeyey qaar inagu duulaan ah qaar iyaguna dhibaato u gaystay oo budhcad badeed ah arimo badan oo nabad galyada waxyeela ayaa jira taana waxaanu ugu baaqaynaa iyagana inaanu si wada jir ahoo xilkasnimo ah aanu u hayno nabad galyadii iyo dhawridii wada daganaanshaha iyo xidhiidhka wanaagsan ee aanu wada lahayn, ilaalino ayaan iyagana ugu baaqaynaa oo aynaan u baahnayn in mandaqada aynu ku nool nahay dib ugu soo celino isku dhacyo meelaha kale ee gobolka ka dhacayey intaasi khasaare iyo dhibaatada ku sugan.
S: Garaadada Somaliland diidka ah ee ka oo jeeda Sool waxay ku doodayaan in deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ka tirsan yihiin Puntland taas darteedna ay sheegeen in Somaliland laga xoreeyo arinkaasi muxuu kuula muuqdaa?
J:Dadwaynaha Sool ku dhaqan maanta waa la ogyahay oo dhibaato ma haysato nabad galyo ayey ku nool yihiin dad aragtiyo kala duwan qabi karaa way jiri karayaan, dad ayaa qaba inaanay Puntland ahayn, Somaliland-na ahayn meel kalena ahayn, qaar baa qaba inay Somaliland ka mid yihiin qaar baa qaba inaanay Somalia ka mid noqon oo doonaya inay maamul gaara samaystaan Aaraadadaasi dad qabi karaa way jiri karaan, bil xaqiiqitan waxa weeyi dhulka xuduud iyo taariikhiyanba Somaliland buu ka mid yahay, wixii aaraa ah ee khilaafa ee khaasatan dadwaynaha halkaa dagan khuseeya waa laga wada hadli karaa waana la dhagaysan karaa waana la isla meel dhigi karaa hadii maanta ciidamadeena lagu soo duulana, ciidamadeena qaranku difaaca dalka way ku filan yihiin waanay ka adag yihiin laakiinse mar kasta waxaynu ka sii jecel nahay dadka aynu is hayno iyo dadka kale ee doonaya halkaasi dhibaato ay ka abuuraan ogalaan mayno in wixii tabasho ah ee ay qabaan ay wada hadal iyo si xil kasnimo ah ku dhameeyaan, balse aanu hanjabaad iyo colaad iyo dagaal aanay isku dayin.
S: Sideed u aragtaa waftiga golayaasha qaranka, labada gole ee baarlamaanka iyo xukuumada ee marti qaadka rasmiga ah ugu kicitimay dalka maraykanka adiguna aad socdaal kaga soo laabatay oo la odhan karo xidhiidh cusub ayaa u bilaabmay Somaliland iyo maraykanka?
J:Shaki kuma jiro inagu aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay soo dhawayntaa iyo casuumadaa loo fidiyey hay’adaha qaranka, waxaas oo dhamiba waa horumar maantana marti qaadkaasi sida ay dunida iyo dawladii maraykanku inoogu soo jeedo ayey muujinayaan, waxaanu jecel nahay ragii waawayanaa ee dawlada ahaa ee ragii albaabada inoo furay odhan jiray dhibaato iyo colaad buu inoo wadaa waxaanu ilaahay ka baryeynaa in iyagoo shafka isa saaraya telefishanada ka soo baxaan ayaanu Alle ka baryeynaa Dolend bayn iyo rag la meeqaam ah, waana waxyaalaha wax wayn inoo taraya qaran ahaan, waxaananu ku faraxsanahay in safarkayagii aanu maraykanka ku tagnay uu ahaa mustaaxii furay xidhiidhkaa wayn ee xooga leh ee inoo bilaabmay dalka maraykanka in ilaahay ku soo guuleeyana waynu rajaynaynaa waftigaasi golayaasha qaranka.
Xigasho: Haatuf