Daljire: Wareegto, By A.Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Maxamed Xuseen Caabbi, Suldan Barre Warsame,Axmed muxumed Madar,Amina Yusuf Adan,Xasan Cali Muse……..
Doolaal:Waar waa maxay dee? Dadkan aad tirinaysaa ma awliyaa? Dee fooxana ku rid haddaba.
Dubbe:Oo idinku miyaa qof wanaagsan iyo qof xun kala taqaanaan? Haayoo waa awliyo. Waa guddidii cusbataalka Hargeysa . Billad sharaf baan ku tolayaa. Caqliga ina Rayaalena wuxuu la mid yahay dhakhtarkii uu dawada u doontay nin qofac xumi hayo oo aan afkaa dhulka ka qaadayn ee siiyay xantoobo kiniinka sida ba’an caloosha u socodsiiya ee yidhi danba qufaca waad uga baqan.
Doolaal:Oo maxaa ku dhacaya isagoo calooshu socoto hadduu qufaco?
Dubbe:Waar waynu qayilaynaa waxaa sheegii kari maynee, qaadku lacag buu nagu joogaaye, horta dee qufaciina kama daweyn calool socodna wuu ugu daay. Taa iska daayoo aniguna maanta wareegto ayaan soo saaray.
Doolaal:waran kugu dhac. Maxaad wareegtada ku soo saartay halkanaad afka xun ee cagaaran kala haysaa?
Dubbe: “Afna daayoo..” bay tidhi islaantii. Maadigaa af ka hadlaya? Waar wareegtaan soo saaray waana tan ee u akhri mafrishka.
Doolaal:’aar xaggaa nooga du waxba akhriyi maynee.
Dubbe:Waar akhri waad akhriyiye. Haddii kale waa amar diido. Miyaanan Guddoomiye ahayn oo aan lay dooran? Waar Bilayskii Kulmiye layn jiray maye?Wallahi inaan Taliye Mooge la hadli.
Doolaal:Waar qofkan waalan xaggaanu ka qabanaa? Bal keen aan iska kaa aamusiinee.
“Markaan tixgeliyay sida wanaagsan ee daacadda ah ee ay u shaqaynayaan. Markaan eegay wanaagga hor Ilaahay ah ee ay umadda ugu shaqaynayaan. Markaan eegay in hawsha ay hayaan If iyo Aakhiraba wanaag tahay. Markaan eegay sida ay bilaashka ugu shaqaynayaan oo aanay Ilaahay mooyee cid kale abaal kaga rabin. Markaan eegay sida ay maalkooda,muruqooda iyo maskaxdoodaba ugu fideeyeen umadda waxaan go’aansaday inaan Guddida Wanaag farista iyo Xumaan Reebista kala diro.”
Bal ninka waalan eega. Oo ma adigay kuu shaqeeyaan sidaad u kala diraysaa? Ta kale wanaag bay sameeyeenna waad leedahay waan kala dirayna waad leedahay siday isu qabanayaan.
Dubbe:Wuxuu yidhi Huryo(AHN) “haddaa ma kuwayaga ayaa faraajiin ah.” Haddaa ma guddida dhakhtarka ayaa Ina Rayaale u shaqeeya muxuu ku eryay? Maxayse qabteen een wanaag ahayn? Allah ninku jecelaa mashruuc aanu dhisin oo uu xadhigga ka jaro iyo dad aan u shaqayn oo uu eryo.
Doolaal:Dee Wasiirkii bay la shaqayn waayeen oo amarkiisii diideen.
Dubbe:Bal waxaad ku hadlayso eeg. waar waxaa iska daayoo halkan waxaan kuugu hayaa maanso uu tiriyay Suugaanyahanka weyn, Ilaah baa weyne, ee la yidhaahdo Mubaarak Maxamed Nuur Qoorubaxay ee hoo.
Wuxu yidhi milgaha gabay
Murtidiyo sarbeebaha
Maahmaahda lagu ladhay
Micnihiyo naxwaha culus
Ninkastaa ha mariyee
Waxa uu ku mudan yahay
Maansada hogeediyo
Suugaanta muulka ah
Sida loogu meel deyey
Moqoraysi loo dhuuq
Miilo miilo laga dhigay
Badi laysku maandhaaf
Murankeed la sixi waa
Malaheedu yaab dhali
Nin kastaaba maankii
Isla noqoy mudh iyo toos
Madadaalo weydiyo
Iska maararoow noqoy
Hadaan macalinkeediyo
Hal abuurka mudankee
Beryo soo mushaawiray
Madal uu ka xaadiray
Masalahana loo dhigay
Cidi kaga maqnaanayn
Dadku wada macsuun yahay
Meertada xilkeedii
Maso loogu siman yahay
Markab wada shukaama ah
Midba dhinac u toocsaday
Murjis laysla beegsaday
Ilamaa miskaa sare
Lagu wada musuusuqay
Maro aan wax qarinayn
Iga dhimay macaankii.
Xaajada maroorkaa
Wuxu yahay masaalkeed
Intii uu muducigii
Ku maqnaa markhaatiga
Sowtii madaaclii
Miladii ku xaabsaday
Arintii malkada tiil
Ee loo mudaysnaa
Afartaa sidii mayay
Ama roob mahiigaan
Maasheeyay dunidii
Dhulka maysku labo rogay
Wuxu yidhi macnii guud
Geeljiroow midhkaad tidhi
Anigoon Masuugayn
Madaxweyne waa kii
Markuu waajibkii gudo
Milgihiyo xilkuu sidu
Dadku kaga mastuurtaan.
Madaxweyne waa kii
Maatada daryeela ah.
Madaxweyne waa kii
Maalintay u darantay
Dadku wada majeertaan.
Madaxweyne waa kii
Hirka Muuqday garan kara
Mishkiliyo dhibaatiyo
Mayay hooray kuu yahay.
Madaxweyne waa kii
Maahmaaho soo baxay
Murti kale ku dari kara
Hadalkana macayn kara.
Madaxweyne waa kii
Runtu ay u tahay magan
Beentuna ka madowdahay.
Madaxweyne waa kii
Moqoraysi tuugiyo
Musuqiyo xatooyadu
Noqon Meheradiisee
Maalkaa agoontiyo
Mushahaarka ka nabad galo.
Madaxweyne waa kii
Meertada xilkuu sido
Maalintuu ka soo dego
Magac fiican kaga taga
Dadkuna ay u mahadshaan.
Madaxweyne waa kii
Utun laysku maagiyo
Milil hore daweyn kara.
Madaxweyne waa kii
Marwadiisa odhan kara
Maamuuska sharafeed
Inta aad ka mudan tahay
Maandheey ku koobnoow.
Madaxweyne waa kii
Dadka uu u madaxyahay
Milatery ka weerayn
Ciidan meel fog tegi laa
Oo muquunin laa cadow
isagii ku meernayn.
Madaxweyne waa kii
Masalaha qabiilkiyo
U mudnaanta reernimo
Mayalkiisa daadihin.
Madaxweyne waa kii
Macaluusha darayada
Maxastiyo dadkoo qaday
Meydkiyo xabaalaha
Maryiina kala bixin.
Madaxweyne waa kii
Mansabkiyo kursiga jilan
Intuu xeerka baal maro
Manaxaan sidiisii
Ku muraadsan danihii.
Madaxweyne waa kii
Magalooti suu yahay
Midhna aanu ku lahayn
Maaraha xadiidiyo
Iskaraab madoowiyo
Biro aan mushtarinayn.
Madaxweyne waa kii
Miisaanka waayaha
Marinada siyaasiya
Mulacyaynta garan kara
Hadba dhan isu mooskeed.
Waxba yaanan muudaha
Sheekada mucdeediyo
Ku fogaanin moolkee
Miisaan ka culus baa
Kuu yaal miscirirtee
In masiirku dhacan yahay
Qarankii la meersaday
Shacabkii madluun yahay
Maamuuska gobanimo
Laga fara maroorsaday
Hantidoodi maqan tahay
Meeqaamka noloshee
Biyuhu u mudnaayeen
Miilo loogu heli karin
Miyaa taa la moogyahay.
Runta lama masuugee
Inagaan is maax duman
Ama aan is moodsiin
Mudaciyo maxaadhkii
Cidla aan iskaga mudin
Horta eelku meeshuu
Mililkiisu yaaliyo
Halka ay melmelan tahay
Cudurkiyo masiibadu
Maanta aan abaaree.
Intii dawlad magaceed
Wadankeena soo maray
Weli maamulkaa jira
Mid ka liita maan arag.
Musuqmaasuq baa degay
Gobolaa dalkii maqan
Cadowgiina muruqiyo
Soofee mariidkii
UDUB kiina Meelaba
Murugiyo dhib mooyee
Ku fashilan Masiirkii
Citiraafna kaa maqan
Magaceed u bixin layd.
Talo maalin weeyaan
Maraad gaadhi waydiyo
Maray kaa murkucatee
Inta aanu muuqiyo
Miciyaha shabeelkiyo
Shaadhkii mabuutiyo
Macnihii afweyniyo
Muuse liini kugu noqon
Ka marooji wacanaa.
Dhamaad.
Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire