War Naxdin Leh, Xildhibaan Yusuf Maxamed Cali ( Yusuf Tukeh) oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday
” INNA LILLAAH WAA INNA ILAYHI RAAJUCUUN ”
Waxaa sideedii habeenimo ee saacada Somaliland naloo xaqiijiyay in Xildhibaan Yusuf Maxamed Cali (Yusuf Tukeh)in baabuur nooca loo yaqaan Surf ka ah uu kula qalibmay degmada Waridaad ee gobolka togdheer halkaas oo u ku Geeriyooday shilkaas baabuur , illa hada ma hayno warar tafaasiil oo shilkaas ku saabsan balse waxaa naloo xaqiijiyay geeridaas naxdinta leh oo isna naloo sheegay in uu jiro nin kale oo baabuurkaas la socday balse magaciisa annaan hayn illa hada. wararku waxay intaa ku darayaan in maydadkii iyo dhaawiciiba la keenay magaalada Burco saacadan aynu hada joogno.
Kulmiye.org
Burco, Somaliland
Waa dariiq la wada hayo oo dhamaanteen aynu ku wada dambaynayno, geerina waa loo wada jooga oo qofna diidi maayo balse sababta iyo qofba sida mawdku ku haleelo ayaa kala naxdin gooniya ah. Runtii waa geeri naxdin leh ILAAHEENNA wayni se qadaray maalinteeda. Gudoomiyaha xisbiga, madaxda sarsare ee xisbiga dhamaan taageerayasha iyo xubnaha xisbiga Kulmiye ee qurba jooga ah iyo kuwa dalka gudahiisaba ku sugan waxay ILLAAHAY naxriistiisa wanaagsan janadii Fardowsa uga baryayaan inuu ka waraabiyo marxuum Yuusuf Maxamed Cali ( Yusuf Tuke ) Oo ahaa halyay xildhibaan barlamanka ahaa isaga iyo dadkii gaadhiga la saarnaaba ee ay shilkaa ku wada geeriyoodeen. Waxa ay ILLAAHAY uga baryayaan inuu qoysaskii, awlaadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacabka reer Somalilandna samir iyo Iiman ka wada siiyo. Aamiin.
Kulmiye.org