Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo ku geeryoodey Shil gaadhi
![]() |
| Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) |
Burco (Somaliland.org) – Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo ka tirsanaa golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku geeryoodey shil gaadhi oo galabta ka dhacay duleedka degmada War’idaad oo ka tirsan gobolka cusub ee Saraar.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaas, Alle ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Tuke waxa la qallibmey gaadhi noociisu yahay Toyota Surf oo ay ku safrayeen Marxuumka iyo odayaal kale oo ka yimi magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, galabta abbaaro 5:30 (Wakhtiga Geeska Afrika), waxayna u soo jeedeen dhinaca magaalada Burco.
Waxa kale oo shilkaas ku dhaawacmay Afan nin oo kale oo ay ka mid yihiin; mulkiilaha gaadhiga qallibmey, Cali Siciid Raygal oo ka mid ah odayaasha deegaanka Caynabo, isla markaana ah xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Cabdi Muxumad Qaloombi (Cabdi Cago) iyo Saleebaan Diiriye Barre oo labaduba ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka beelaha bariga Burco. Waxaana la sheegay inay qabaan dhaawacyo kala duwan, badidooduna ay sahlan yihiin.
Meydka Marxuumka iyo dhaawaca saddexda oday ee kaleba waxa caawa la keenay cusbitaalka magaalada Burco, halkaas oo dhaawaca lagu daaweynayo, isla markaana Meydka Marxuumka ayaa berri lagu aasi doonaa magaalada Burco, halkaas oo jinaasad iyo baroordiiq qaran loogu samayn doono.
Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ee kaalinta muuqata ka soo qaatay Halgankii dib u xorraynta Somaliland, wuxuuna ka soo qabtay xilal kala duwan ururkii SNM, isaga oo inta badan ahaa Xoghayaha Warfaafinta ee SNM, gaar ahaan xilliyadii gudagalka ee 1988 iyo intii ka dambeysey. Waxa kale oo uu qayb weyn ka qaatay dedaaladii nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha iyo dhismaha dowladda Somaliland. Waxaana si gaar ah loogu xasuusan karaa doorkii hormuudka ahaa ee uu ka qaatay shirarkii nabadaynta beelaha bariga Somaliland ee la baxay “Danwadaag Bari” oo uu ka mid ahaa siyaasiyiintii abaabushey.
Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Tuke, waxa uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay dowladdii u horreysey ee Somaliland ee uu madaxda ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali, isaga oo mar ka ahaa dowladdaas wasiirka Madaxtooyada.
Marxuumku waxa uu ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland, waxana laga soo doortay Gobolka Sanaag, isaga oo ka mid ahaa xildhibaanadii gobolkaas uga soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.
Marxuumka iyo odayaasha la socdey waxa la sheegay inay ku gudajireen socdaal iyo hawlgal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta oo ay ku marayeen deegaamada gobolka Sanaag ee laga soo doortay Xildhibaanka geeryoodey.
Marxuum Yuusuf Maxamed Cali, wuxuu noqonayaa xildhibaankii labaad ee ka baxa xildhibaanada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobolka Sanaag, waxaana ka horreeyey Alle ha u naxariistee Xildhibaan Jabaabul oo ka tirsanaa mudanayaasha Golaha Wakiilada ee xisbiga UDUB uga soo baxay gobolka Sanaag, kaas oo ku geeryoodey magaalada Hargeysa September sannadkii hore. Guud ahaanna wuxuu noqonayaa xildhibaankii Saddexaad ee ka geeryooda golaha Wakiillada ee la soo doortay dhammaadkii 2005, iyada oo xildhibaankii ugu horreeyey ee ka baxa goluhuna uu ahaa Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aare oo laga soo doortay Gobolka Awdal, xisbiga UDUB.
Geerida naxdinta leh ee xildhibaannada Golaha Wakiillada ee la soo doortay, waxa la kowsata su’aal muhiim ah oo ay dadku markiiba is weydiiyaan, taas oo ah cidda beddelaysa xildhibaanka geeryoodey. Sidaa darteed, sida ku cad liiska kaydka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag, Alle ha u naxariistee, Marxuum Yuusuf Maxamed Cali (Tuke), waxa beddeli doona oo buuxin doona xubinnimadiisa Golaha Wakiilada, Guddoomiyekuxigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdiraxmaan Talyanle oo isagu ugu horreeya liiska xubnaha kaydka ee xisbiga KULMIYE musharraxiintii uga tartamaysey gobolka Sanaag.
