Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke)Madaxweyne Riyaale iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo dhambaalo tacsi ah u diray geerida Xildhibaan Tuke iyo Aas Qaran oo berrito ka dhacaya Burco

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke)
Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke)


Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhambaallo tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland guud ahaan, iyaga oo ka tacsiyeeyey geerida ku timi Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland.

Marxuum Yuusuf Tuke, waxa uu galabta ku geeryoodey Shil gaadhi oo ka dhacay meel u dhow degmada War’idaad ee gobolka cusub ee Saraar ee degmada Caynabo, isaga oo ka soo noqday socdaal uu ku tegey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Waxaana ku dhaawacmay Afar oday oo marxuumka ku weheliyey gaadhiga ay ku safrayeen oo qallibmey.

Mudane Riyaale, dhambaalkiisa, isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay marxuum Yuusuf Maxamed Cali (Tuke). Waxana uu Illaahay uga baryey inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga Somaliland guud ahaanna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhammaal tacsi ah oo uu caawa fiidkii soo gaadhsiiyey Somaliland.org, waxa uu yidhi,

“Anniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka xisbiga KULMIYE, waxaan ka tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland guud ahaan geerida naxdinta leh ee ku timi Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland.

Alle ha u naxariistee, Yuusuf Tuke, wuxuu ahaa shakhsiyaadkii qiimaha weyn ku lahaa halgankii xorraynta ee SNM, nabadayntii iyo dib u dhiskii Somaliland. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna Samir iyo Iimaan inaga siiyo. Aamiin. Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun”.

Shirguddoonada labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa iyaguna dhambaallo tacsi ah u diray caawa qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Yuusuf Tuke.

Aas Qaran:

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno door ah oo ay ka mid yihiin hoggaanka xisbiga KULMIYE, siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiillada ayaa la sheegay berrito subaxnimada hore inay ka jarmaadi doonaan magaalada Hargeysa, si ay uga qaybgalaan aaska Marxuum Yuusuf Tuke oo berrito ka dhici doona magaalada Burco.

Sidoo kale, Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golahaas, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa iyaguna ka qaybgelaya Aaska Marxuum, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke), iyaga oo subaxnimada ka ambabixi doona magaalada Hargeysa.

Dhinaca xukuumadda, ilaa iyo hadda waxa la ogyahay inay ka qaybgelayaan aaska wasiirro jooga magaalada Burco.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Comments are closed.