Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Ku Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Qaabiley Xaflad Ballaadhan

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 12 July, 2007

Hargeysa (Somaliland.org) – Afar siyaasi oo laba ka mid ahi ay ka tirsanaayeen xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta caddeeyey inay ku biireen xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.

Afartaa xubnood oo kala ah; Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, mudane Abiib Diiriye Nuur, Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi Jawaan) oo isagu aan xisbina ka tirsanayn, Muj. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, isla markaana sheegay in aanu marna xisbi ku biirin iyo Cali Xasan Sheekh-doon oo xubin ka ahaa Golihii hore ee Wakiillada, kana tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga UDUB; waxa xaflad soo dhoweyn ah loogu qabtay maanta Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen mawqifkooda cusub, isla markaana ay kaga warameen sababaha ku kellifey inay mawqifkooda beddelaan.

Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey xisbiga KULMIYE, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, in badan oo ka mid ah xubnaha Guddida Fulinta ee xisbiga, xubnaha Golaha Dhexe iyo martisharaf kale. Waxayna xubnahaasi dhammaantood ka warrameen xaaladda dalku marayo oo ay aad uga dayriyeen, ugana digeen. Waxa kale oo ay ka warrameen fashilaadda xukuumadda Madaxweyne Riyaale iyo xisbiga UDUB.

“Xisbiga KULMIYE waxaan u aragnay inuu yahay xisbigaygii, xisbigii aayaha dalka iyo dadkba, ” sidaa waxa yidhi Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi Jawaan).

Waxana uu intaas ku daray in aanay jirin cid ku qalqaalisay, isla markaana aanay xodxodan guddida Fulinta iyo hoggaanka xisbiga midna, balse, uu isagu iskii go’aan u gaadhey inuu ku biiro KULMIYE; isaga oo sheegay inuu ku doortay Barnaamujkiisa siyaasadeed iyo iyadoo xisbiga ay ku kulmeen, isla markaana ay hoggaaminayaan raggii ay ka soo wada qaybgaleen halgankii SNM ee dalkan lagu xorreeyey oo uu tilmaamay inay uga lexejeclo badan yihiin dalka hoggaanka maanta talada haya.

Waxa kale oo uu sheegay in aanu wax gorgortan ah la gelin hoggaanka xisbiga, wax loogu ballanqaadayna aanay jirin, balse uu xeeriyey taariikhdii halganka iyo mabda’iisa. Waxana uu u dadka ku baraarujiyey in ay yeeshaan “Bir-ma-geydo” oo si kasta oo khilaaf u dhex maro dadka haddana ay tixgeliyaan halgankii iyo wixii dalkan loo soo maray.

Cabdillaahi Jawaan oo ka mid ahaa Komishankii hore ee Doorashooyinka, balse, iska casiley intii aan muddadiisu dhammaan, waxa uu ka warramay taariikhda dalka iyo halgankii adkaa ee loo soo maray. Waxa kale oo uu ka warramay xaaladda dalku hadda marayo, sababihii lagu doortay Madaxweyne Riyaale, sida loogu hungoobey iyo weliba khilaafaadka hadda taagan. Waxana uu Madaxweyne Riyaale u soo jeediyey inuu u hoggaansamo sharciga; isagoo Komishankana kula taliyey inay ilaashadaan dhexdhexaadnimadooda.

Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, mudane Abiib Diiriye Nuur ayaa isaguna khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyey kaga warramay sababaha ku kellifey inuu ku biiro KULMIYE iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda dalka.

“Waxaan jeclahay inaan maanta halkan ka caddeeyo Mawqifkayga siyaasiga ah, ” ayuu yidhi Abiib, isaga oo xusay in dad badani tebayaan ama is weydiinayaan mawqifkiisa.

“Waxaan goostay in arrintaas oo beryahanba igu taagneyd inaan shaaca ka qaado, ” ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay in uu ahaa ninkii keli ahaa ee iska casiley xukuumadda maanta talada haysa, kadib, ayuu yidhi markaan arkay sida wax u socdaan, damiirkuna siin waayey in uu ka sii mid noqdo xukuumaddaas.

“Markaan arkay in aan dalka loo shaqaynayn ee laga shaqaysanayo ayaan ka istiqaalooday bishii July 24, 2005″ ayuu yidhi Abiib.

Waxana uu sheegay in xilkii xukuumadda ee Wasiirnimo uu iska casiley, balse uu ka sii mid ahaanayo xisbiga UDUB.

“Walaalayaal maanta waxaan caddaynayaa inaan UDUB-na ka tegey oo aan ku biiray KULMIYE, ” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in sababaha uu uga tegey UDUB aanay ahayn wax uu ka geyoonayo ama uu soo koobi karayo, balse waxa uu yidhi, “Waxa meesha ka dhacay iyo wax ka jira nin rag ahina wuu og yahay, nacasna loo sheegi maayo”.

“Xukuumadda maanta jirtaa hawl kale oo ay haysaa ma jirto, hawsha ay haysaa waxa weeye waa Been Cad, wax kale oo ay haysaa ma jirto, ” ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay in shacbig lagu jaahwareerinayo been wakhtigan doorashooyinku soo dhow yihiin, isaga oo tilmaamay in dhammaan wixii ay ballanqaadeen wakhtigii doorashadii Madaxtooyada ee la soo dhaafay aanay wax ka qabsoomay jirin, iyadoo 5 sannadood ka soo wareegtey.

Muj. Maxamed Xasan Jidhif oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, balse sheegay in aanu isagu marna xisbi ka mid noqon ayaa ka warramay halgankii SNM, dhibaatadii uu u soo maray iyo halka maamulka Madaxweyne Riyaale ku wado dowladnimadii dhibtaa loo soo maray.

“Waxaan idiin sheegayaa, Jidhif oo maamul ka hor yimaadda haddaad aragtaan, maamulkaa ka quusta, ” ayuu yidhi Jidhif.

Isagoo taas sharraxayana waxa uu sheegay in wakhtigii Siyaad Barre markii ay tallaabayeen saraakiishii hoggaamineysey SNM ee ay ka baxsadeen ciidamada, isla markaana uu ku waanin jirey inay joogaan.

“Waxaan lahaa waar malaha wax baa soo yara hagaagi doona oo ilayn waa qof kul mi ahe khaladaadkiisa wuu fahmi doonaa oo wuu isa sixi doonaa, ” ayuu yidhi.

“Anigu nimanyahow keligey baan ka soo lugeeyey. Markaan cidba waayey ayaan idhi waar ninkan odayga ahi wallaahay adiguu kugu soo socdaa oo keligeybaaba ku hadhaye, ” ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay in Lugtii uu ka soo bilaabay Xamar uu ku yimi Xeradii Qaxootiga ee Dulcad.

Muj. Jidhif waxa uu sheegay in Madaxweyne Riyaale uu hadda hayo jidkii Siyaad Barre.

Waxana uu uga digey inuu meermeeriyo doorashooyinka.

Cali Xasan Sheekh-doon oo isaguna ka mid ahaa Golihii hore ee Wakiillada ayaa isaguna si weyn u dhalliilay Madaxweyne Riyaale iyo Guddoomiyaha Guurtida, isaga oo sheegay in aanu marna fileyn in Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Guurtida oo hoggaamin jirey ururkii ASAD oo uu Cali ka mid ahaa inuu taageerayo caddaalad darro, sharci darro iyo maamulxumo. Waxana uu si gaar ah ugu dhalliilay Guddoomiyaha Guurtida arrinta labada xubnood ee Golaha Wakiilladu soo celiyey oo uu diidey inuu soo beddelo.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu dambayntii xafladdaas ku soo xidhay hadal kooban ayaa soo dhoweeyey siyaasiyiintaas, isaga oo sheegay in uu rajeynayo siyaasiyiin kale oo miisaan lihina inay iyana ku soo biiraan KULMIYE, xisbiguna uu noqon doono mid isu keena, isla markaana mideeya ummadda Somalila

Comments are closed.