Xisbiga Kulmiye Oo Soo Bandhigay Siyaasadda Xisbiga Ee Dalka Uu Ku Hagi Doono

Xisbiga KULMIYE ayaa maanta ku soo bandhigay Magaalada Hargeysa Barnaamujkiisa Siyaasadeed ee uu ugu tala galay inuu dalka ku hogaamiyo marka uu ku guuleysto doorashada madaxtooyada ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacdo hadii ILLAHAY yidhaa.
Munaasibadan oo u gaar ahayd in Barnaamujka Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE la soo bandhigo oo lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ayaa waxa ka soo qeybgalay tiro dadweyne gaadhaya 700 oo qof oo ay ka mid ahaayeen labada Musharax ee jagada Madaxweynaha iyo jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE ugu tartami doona doorashada madaxtooyada ee bisha June Md Axmed Maxamed Maxauud [Siilaanyo], iyo Md C/raxmaan Cabdillahi Ismaciil ( Saylici), Guddidada fulinta iyo gudida dhexe ee Xisbiga, Masuuliyiin ka socday Xisbiga Mucaaridka ah UCID, Abwaano caana oo ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi], Xasan Xaaji Cabdilaahi [Xasan Ganay] iyo Maxamed Aadan Dacar, Ururada bulshada, Ururada haweenka, Ururada dhalinyarada iyo marti sharaf kale.
Barnaamujkan Siyaasadeed oo ahaa Buug yare ka kooban 50-Page oo dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladaasi loo qeybiyey ayaa waxa uu hordhiciisa ku xusan; “Barnaamujka Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE uu halkan dadweynaha ugu soo bandhigayaa waa mid dhameystiran, oo ku saleysan baahiyaha horumar, Siyaasadeed, bulsho ee Somaliland oo ah ka turjumaha himilooyinka shicibi weynaha reer Somaliland” Sida waxa yidhi qoraal furre u ah bug-yarahan maanta lagu soo bandhigay Barnaamujka Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE.
Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo ka hadlayey waxa ay barnaamujka Siyaasadeed ee ay dalka ku hagi doonaan uu kaga duwan-yahay Barnaamujyada Xisbiyada kale, waxaa lagu yidhi qoraalka buuga’ “Barnaamujkani waa mid laga sal gaadhi karo [Achievable] oo la fulin karo [Do-able], waa mid macquul ah oo aan hawaawi ku fadhiyin, [realist], waana barnaamuj la qiimayn karo oo la cabirikaro hadhow, inta qabsoontay iyo inta aan qabsoomin [Measurable].”
Waxaanu ka kooban yahay Barnaamujka Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE qodobo ay ay ka mid yihiin:Taabo-gelinta xukun- wadaaga dalka, iyo qodobo kale oo ay ugu horeeyaan, “dib u habeynta Cadaalada iyo Garsoorka, horumarinta shaqaalaha dawlada, Difaaca iyo sugida amaanka qaranka, horumarinta waxbarashada asaasiga ah iyo tacliinta sare, Daryeelka caafimaadka bulshada, horumarinta dhalinyarada, Kobcinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka saboolnimada, Siyaasada Dibada, Siyaasada Xisbiga ee dadka la heybsooco, Arrimaha Haweenka, Qurba-jooga, Daweynta iyo daryeelida Naafada jidh ahaaneed iyo maskax ahaaneed, Kobcinta Hidaha iyo dhaqanka, Diiwaanka qaranka, Lifaaq Xogo ku saabsan musuq-maasuqa maamulka madaxweyne Rayaale u geystay Somaliland”.
Samaynta barnaamij siyaasadeed ee xisbiga ayaa sida la sheegay waxa ka qayb qaatay aqoonyahano ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Dadka ka faaloodda arrimaha siyaasadda ee hore KULMIYE u naqdiyi jiray qaarkood ayaa u arka barnaamijka siyaasadeed ee uu soo bandhigay maanta qorshe dalka Somaliland ka dhalin kara isbedel dhakhso u hano qaada.
Xisbiga UCID ayaa isagu hore u soo qadimay barnaamijkiisa siyaasadeed, hase ahaatee, waxaan illaa hadda saaxadda u soo bixin Xisbiga taladda haya ee UDUB oo ah kan ay saarantahay diiradda lagu cabirayo wax-qabadkiisa ama waxqabad la’aantiisa barnaamijyadda ay soo dhigeen xisbiyadda mucaaradka ahi.
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland