Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo qaabiley Wefti ka socda dowladda Jabuuti
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo qaabiley Wefti ka socda dowladda Jabuuti
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno sare oo ka tirsan hoggaanka xisbiga ayaa saaka kulan kula yeeshay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, mudane Cali Faarax Casoowe iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho saddex maalmood ah ku yimi dalka Sabtidii.
Kulanka masuuliyiinta xisbiga iyo weftiga Jabuuti oo aanay saxaafaddu goobjoog ka ahayn ayaa kadib xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbiga oo kulankaa ka qaybgalay waxay Somaliland.org, u sheegeen in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uu weftiga u jeediyey hadal kooban, isaga oo uga mahadnaqay weftiga wasiirka booqashadooda ay ku yimaadeen Somaliland, taas oo uu sheegay inay muujinayso xidhiidhka wanaagsan iyo isu soo dhowaanshaha labada ee walaalaha ah, isla markaana xisbi ahaan ay soo dhoweynayaan wixii iskaashi iyo wada qabsi ah ee dhexmaraya labada xukuumadood ee Somaliland iyo Jabuuti iyo labada dal guud ahaan. Waxana uu guddoomiyuhu si gaar ah u tilmaamay khataraha badan ee ka taagan mandaqadda oo loo baahan yahay in iskaashi laga yeesho.
Waxa kale oo la sheegay in Guddoomiyuhu ugu hambalyeeyey dowladda Jabuuti iyo Madaxweynaheeda, mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxa dalkooda u qabteen iyo guulaha ay ka gaadheen dhinaca horumarinta. Isaga oo sidoo kalena ku ammaanay sida ay wax ula qabtaan Soomaalida Soomaaliya ee ay dagaalada iyo dowlad la’aantu baabi’iyeen iyo weliba kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan arrimaha Gobolka.
Guddoomiye Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay dedaalka aqoonsi-raadiska Somaliland iyo hiilka ay ka filaysey, welina ka filayso walaalaheeda Jabuuti, balse, waxa uu sheegay in aanay khasab ahayn in markasta danaha iyo duruufaha dowladuhu ay is waafaqaan, isla markaana loo baahan yahay in la isugu dulqaato qardoofooyinka marmar ka dhasha kala duwannanshaha danaha iyo duruufaha labada dowladood ee deriska iyo walaalaha ah.
Dhinaca kale, nin u hadlay weftiga Jabuuti ayaa isaguna uga mahadnaqay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE sida uu u qaabiley iyo soo dhoweynta uu u fidiyey, waxayna sheegeen in dowladdoodu ay diyaar u tahay inay wax la qabsato Somaliland.
Kulankaa waxa guddoomiyaha ku weheliyey, Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga, Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale oo ka tirsan xsbiga.
Weftigani waxay isla maanta la kulmeen Madaxweyne Riyaale oo ku qaabiley qasriga Madaxtooyada.
Sida uu sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, weftiga iyo mudane Riyaale waxay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada, waxana uu intaas ku daray in weftiga Jabuuti ay soo gaadhsiiyeen Madaxweyne Riyaale dhambaal tacsi iyo taageero ah oo ay uga sideen Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Weftigan oo la filayo inay berrito dalka ka ambabaxaan si cad looma oga ujeeddada socdaalkooda, waxayse warar xog ogaal ahi sheegayaan in weftigan uu ka mid yahay Maalqabeenka Sucuudiga ah ee dhisay Maxjarka Jabuuti, Al Yaasir, kaas oo ay doonayaan in xukuumadda Riyaale heshiis cusub kula gasho dhoofka xoolaha nool ganacsadahaas, kadib markii ay isku dhaceen ganacsadihii hore ee ay kootada ugu xidhay dhoofka Xoolaha, Al Jaabiri.
xigasho/ Somaliland.org, Hargeysa.