Roobab Khasaare Gaystay Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Oo Kormeer Ku Soo Maray Gobahaas
Roobab laxaad leh ayaa khasaare balaadhan u geystay guud ahaan Gobolada dalka ee ay ka da’een qaarkood, roobabkaas ayaa kii ugu ballaadhnaa uu u geystay khasaare Magaalada Hargeysa , sida illa hada aanu wararka ku helaynana waxaa dhintay ilaa tiro dad ah oo lix qof gaadhaya, Dooxada Goblay ee Xaabaalena Gawaadhi ayuu qaaday sida aanu illa hada wararka kuhelay, ilaa 35 Gurina waa ay dumeen oo u badan xaafadaha calaamadaha iyo xaafadda Cabdi Iidaan ee karasharka.
Dhinaca kale gudoomiye xisbigaKulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay la socdaan madaxda sar s are ee Xisbiga Kulmiye ayaa saaka salaaddii hore kormeer ku soo maray dhammaan goobihii ay roobabku wax yeeleeyeen ee Magaalada Hargeysa, halkaasaoo ay ay kula kulmeen dadkii waxyeeladu soo gaadhay, Xisbi ahaana la soo diiwaangelieyey , gudoomiye xmed Siilaanyo Ayaa ILLAAHAY uga baryey in uu cawil naq ka sii yo khasaarahaasi soo gaadhay shacabka wax yeeloobay, intii ku dhimatayna ILLAAHAY uga beryey inuu naxariistii janadao ka waraabiyo.
Kulmiye.org