Furitaanka Xafiiskii Somaliland Ee Kenya Oo Muddo Sannad Ah u Xaniban Kharash La’aan Iyo Dawlada Kenya Oo Ruqsadii Kala Noqonaysa, Wasiir Cawilna Waxa Uu Nairobi Ka Dhistay Laba Guri Oo Ay Dhex yaalaan Gawaadhi Uu Ku Jiro Prado Aanay Rasaastu Karin

(Somaliland.Org) – Dawladda Kenya ayaa qarka u saaran inay rukhsaddii kala noqoto xafiis ay hore u ogolaatay in ay dawladda Somaliland ka furato caasimadda Kenya ee Nairobi, kadib markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland la daahday sidii ay uga furan lahayd Nairobi ee uu u noqon lahaa mid taabo galay.
Ilo xog-ogaal ah oo arrinta aanu ka waraysanay ayaa waxay noo sheegeen in dawladda Kenya iyo ta Somaliland ay muddo hore isku af-garteen in midba ta kale ka furato xafiis martabad diblomaasiyadeed leh. Waxaana wakhtiyada qaarkood ku sugnaan jiray magaalada Hargeysa sarkaal ka tirsan dawladda Kenya, kaas oo xafiis ku lahaa caasimadda dalkan ee Hargeysa.
Waxa kale oo jirtay in wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale uu in badan isku taxalujin jiray in uu noqdo wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, balse uu arrintaas marwalba ka diidi jiray Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland Marxuum M. I. Cigaal. Hase yeeshee xidhiidhka Somaliland iyo Kenya waxa uu noqday mid sidii hore dhaama kadib markii uu Madaxweyne Riyaale booqasho ku tegay dalkaas sannadkii 2006 iyo waliba markii wakiilka Somaliland ee fadhiya dalkaasi loo magacaabay Mr. Maxamed Axmed Nuur (Indho-Buur), kaas oo la sheegay in uu yahay nin asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ku dhashay Kenya.
Haddaba siday ilo-haasi xog-ogaal ahi noo sheegeen furitaanka xafiiska Somaliland ee Nairobi waxa uu muddo sannad ahba u xanibnaa ilaa haddana u xaniban yahay kharashkii lagu diyaarin lahaa xafiiskaasi haddii ay tahay dhinaca qalabka iyo haddii ay tahay dhinaca kirada la sii qadimoba.
Ilohaasi waxay sheegeen in kharashka ku bixi lahaa fulinta xafiiskani aanu qiyaas ahaan ka badnaadeen $50,000 (konton kun oo dollar). Waxayse intaas ku dareen in kharashkaasi aanu macno lahayn marka la barbar-dhigo hawlaha ahmiyadda weyn leh ee uu xafiiskani Somaliland uga qaban lahaa caasimadda Kenya ee haatan noqotay xarunta laga unko lagana hago siyaasadaha diblomaasiyadeed ee dunidu kula dhaqanto dalalka mandaqadda Bariga iyo Geeska Afrika.
Dhinaca kale wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Cawil Cali Duaale ayaa waxa uu laba guri oo qurux badan ka dhistay xaafadda Haligham State, Chaka Road, Studio House Ave, ee magaalada Nairobi.
Labadan guri oo aanu sawiradooda hayno, waxa la sheegay inay ku yaalaan mid ka mid ah xaafadaha ugu dhulka iyo guryaha qaalisan magaalada Nairobi, isla markaana kaamboolka ay ku wada yaalaan lagu dhex arko dhawr gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Toyota Prado, kaas oo sida la sheegay ah nooca aanay rasaastu karin.
Hase yeeshee waxa la xaqiijiyay in gaadhigaasi uu wasiir Cawil kala soo degay dibadaha iyada oo loo soo mariyey Cadan-Mambasa oo dhinaca badda ah.
Xigasho Haatufnews