Bulshada Caalamka oo Xog-Waraysi Siyaasadeed la Yeelatay Xisbiga KULMIYE

Bulshada Caalamka oo Xog-Waraysi Siyaasadeed la Yeelatay Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga KULMIYE Dr Maxamed Cabdillahi cumar

DSCN0139[1]

“Siyaasadda dibadda ee KULMIYE waxaa hagaya aragtiyo ku salaysan nabadayn, iskaashi, jaarwanaag iyo aayo-katalin” Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed C/laahi Cumar

DSCN0143[1] by you.

(London, 20 May 2010, Somaliland .Org) Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa Arbacadii  dawladda Ingiriiska iyo wadama kale oo ka tirsan Qaaradda Yurub, Amerika iyo Afrika ay kula yeesheen magaalada London xog-waraysi gaar ah oo la xidhiidha sida uu xisbiga KULMIYE u hogaamin doono Somaliland iyo siyaaadooda arrimaha dibadda ee ku wajahan  xaaladaha Geeska Afrika iyo macaamilka dunida, haddii ay ku guulaystaan tartanka doorashada Somaliland 26 bisha June ee sanadkan.

Munaasabadan xog-waraysiga waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Caalamka ee dawladda Ingiriiska, mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Ingiriiska , diblomaasiyiinta safaaradaha Maraykanka, Spain, Itoobiya iyo Koonfurta Afrika ee fadhigodu yahay magaalada London, qaar ka mid ah shirkadaha maalgaliya  soo saarka shidaalka dunida seddexaad, sharciyaqaano caalami ah oo u dooda dawladaha soo koraya iyo kuwa doonaya inay helaan aqoonsi siyaaadeed, iyo madaxda guddiga goobjoogayaasha caalamiga ah ee ka qaybgalaya doorashooyinka madaxtooyada Soomaliland ee  soo socota.

DSCN0138[1] by you.

Hadal dheer oo uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ka jeediyay  munaasabadaasi wuxuu kaga hadlay siyaasadda arrimaha dibadda ee KULMIYE ku dhaqmi doono haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada. Arrimaha uu Xoghayuhu faahfaahiyay waxa ka mid ahaa qodobo la xidhiidha xaaladda ammaan iyo halisaha  ku hareeraysan Somaliland iyo qorshaha siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE ku furdaamin karo khatarahaasi. Waxaa kale oo uu ka hadlay dariiqyada siyaasadeed ee ay u mari doonaan ictiraaf raadinta  Somaliland iyo horumarinta xidhiihdka  wadamada jaarka.

Wuxuu Xoghayuhu shirka ku soo bandhigay qorshe jaan go’an oo xukuumadoodu doonayso inay ku abuurto fursado shaqo iyo rajooyin mustaqbal u sameeya dhallinyarada Somaliland ee ay soo food saartay khataro uga imanaya saffarada badaha, afkaaraha xag-jirka ah iyo hoos u dhac aqooneed. Qorshahan oo ay soo dhaweeeysay dawladda Ingiriiska,shegtayna in haddii doorashada Somaliland ay u dhacdo si xor ah oo xalaal ay ku tala jiraan inay kordhiyaan taageerada dhaqaale ee la siiyo Somaliland si qorshayaashan oo kale u meel maraan.

Waxa kale oo uu Xoghayuhu shirka kaga hadlay qorshaha ay ugu talagaleen shirkadaha shisheeye ee doonaya inay maalgashi ku sameeyaan khayraadka Somaliland. Waxaanu sheegaya in xukuumadda KULMIYE ay aad u soo dhawaynayso maalgashiga shirkada caalamka  iyadoo loo marayo sifo sharciga waafaqsan iyo daahfurnaan.

Isagoo ka faalloonaya siyaasadda KULMIYE ee khaarijiyada wuxuu Xoghayuhu yidhi “ siyaasadda dibadda ee KULMIYE  waxaa hagaya aragtiyo ku salaysan nabadayn, iskaashi, jaarwanaag iyo aayo katalin”. Wuxuuna cadddeeyey  in siyaasaddoodu ay la jaanqaadayso isbeddelada siyaasiga ee ka dhacaya dunida si loo sugo danada Somaliland, loogana gudbo siyaasadda ragaadisay horumarka dalka ee xukuumadda Daahir Rayaale.  “ Waxaanu keenaynaa isbedello dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho oo horumar dhaliya, iyo hoggaamin lagu gaadhi karo isbeddeladaasi” ayuu yidhi Xoghayuhu.

Intaasi ka dib waxay Dr. Maxamed Cabdillahi goobtaasi ku waydiiyeen diblomaasiyiinta shisheeye iyo masuuliyiinta ka soo qabygashay kulanka su’aalo. Waxay su’aaluhu u badnaayeen xagga siyaasadda xisbiga KULMIYE ee dibadda iyo aragtidooda ku jahaysan arrimaha manadqadda Geeska Afrika ka taagan, iyo  qaar  ku saabsan ka hortagidda dhibaatooyinka kooxaha xagjirka ah iyo budhcad badeedda ku hayaan mandaqadda yo arrimo la xidhiidha  iskaashiga horumarineed iyo ganacsi ee ay  qorshaynayaan inay la yeeshaan caalamka intiisa kale.

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay inay Somaliland ogaal doonto in xabsiyada dalkeeda la keeno dad laga soo qabto badaha ka fag Somaliland iyagoo ku jiraa fal-denbiyeedyo  budhacad badeednima ah, wuxuu yidhi “ masuuliyadayada koowaad ee na saarani waa ilaalinta nabadgalayada dadka, dhulka iyo badaha Somaliland,  islamarkaana waxaanu kale shaqaynaynaa bulshada caalamka iyo wadamada mandqada ilaalinta nabadgalayada gobolka, laakiin wixii halis iyo bartilmaameed ka dhiga kara Somaliland iyo dadkeeda ee aanaan xamili karin waxaa loo baahan yahay in laga fiirsado”

Kulankan bulshada caalamku ku martiqaaday Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE iyo qorshayaasha hawleed ee ay gorfeeyeen waxay muujinaysaa sida bulshada caalamku uga diyaaargaroowday isbedel siyaasdeed oo dalka ka dhaca, iyo kalsoonida ay ku qabaan inay wadashaqyn fiican la yeelan karaan xisbiga KULMIYE. Waxaa kaloo muuqata masuuliyadda qaran ee madaxda xisbiga KULMIYE ka qaadanayaan horumarinta danaha qaranka, halka ay xukuumaddu hadda u muuqato  koox mucaarad ku ah bulshada caalamka, xisbiyada qaranka, guddiga doorashooyinka iyo shacabka Somaliland oo dhammaantood doonaya inay dalka ka dhacdo doorasho madaxtooyo  26 june si nabadgalyo ahna uga dhacdo.

Kulmiye .org

Comments are closed.