Muj Maxamed Kaahin: “Madaxweyne Daahir Riyaale Wuxuu Iibsanaaya Kaadhadhka Codaynta Doorasahda”

Muj Maxamed Kaahin Axmed
Burco (Kulmiye.org) Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka dhawaajiyey in madaxda sar sare ee xisbiga Udub ay ku mashquul sanyihiin sidii ay u iibsan lahaayeen kaadhadhka cusub ee doorashada lagu galaayo, waxaanu sheegay in ay suuqyada la taagan yihiin madax olalaha ee Udub iibsa-shada kaadhadhka Codaynta.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay telefishanka Bulsho oo ka hawl gala magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Geesta kale wuxuu xukumada ku eedyey in aanay haba yaraatee wax aqoona u lahayn qiimaha ay leedahay maalinta 18 May, maadamoo aanay muujin maalintii ay Somaliland xornimadeeda kala soo laabtay Somaliya wadankii la odhan jiray. Waxaana hadaladii Mujaahid Maxamed Kaahin Kaahin ka mid ahaa “Dawlada waxay mashquul hada ku tahay inay diwaangelintaasna inay car qaladayso oo ay fashiliso , waakii ninka madaxweyne Daahir Riyaale Xisbigiisa kaabaynka maamulaha uga ah waaka dariiqyada la taagan iibsiga kaadhadhka codaynta, taas macaneeheedu waxay weeye Madaxweye Daahir Riyaale oo iibsanayaa kaadhadhka.
xukumada Waxaan leeyahay “Sakaaro Saalo muuqata ayey aast’aa, “dhuumasho dhabarku ku muuqdaana dhuumasho maaha” markaa waxaan leeyahay saaxibayaal iska daayaa car qaladaynta koomishanka iyo hawlaha doorashooyinka” Waxa kale uu Kaahin uqu baaqay shacabka reer Somaliland inay kaadhadhka qaatan, una qaataan si nabad galyo ku jirto, kuna codeeyaan si nabad galyo buuxdaa ay ka muuqato.
Geesta kale waxa uu xukumada ku eedyey in wasiirada ay u kala dirtay gobolada Somaliland, waa sida uu hadalkiisa u dhigaye inay qayb ka tahay iib-sadashada kaadhadhka codaynta, mar uu arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Wasiiradiisa uu meelahan (Burco) u soo dirayna waxay ka mid tahay taas aan hada kuu sheegay (iibsa-shada kaadhadhka codaynta”
Ugu dambayntii mar aanu la xidhiidhnay gudoodmiyaha xisbiga Udub ee Gobolka, si aanu wax uga weydiino dhaliisha xisbigooda loo jeediyey ayaa ka gaab saday in uu wax faah faahina ka bixiyo, ugu yaraan seddex jeer ayaanu isku daynay in aanu ka helno jawaab hase ahaatee may dhicin.