Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Saaka Codkiisa Dhiibtay iyo Dareenkii uu Bixiyey
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Saaka Codkiisa Dhiibtay iyo Dareenkii uu Bixiyey Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka codkiisa ka dhiibtay Xarunta Guriga Shaqaalaha magaalada Hargeysa ee ay inta badan ka codeeyaan hoggaamiyayaasha xisbiyadu.
Guddoomiye, Siilaanyo oo ay weheliyeen Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadn (Ilkacase) iyo Masuulliyiin kale oo ka tirsan xisbiga.

Guddoomiyaha oo markii uu gaadhay Aqalka Shaqaalaha kala kulmay sacab iy soo dhawayn ballaadhan oo ay u sammeeyeen dadkii kuyuuyada dhaadheer ku jiray ee halkaas ku sugnaa, ayaa markii uu codkiisa dhiibtay waxa uu ka warbixiyey dareenkiisa iyo rajada uu ka qabo inuu ku guulaysan doono tartanka doorashada madaxtooyadda, waxaana ka mid ahaa hadalladiisa, “Halkan waxaan u imid inaan codkayga dhiibto waana waajib qaran oo I saaran, aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay inaan dhiibto codkayga, doorashadu way inoo hagaagi doontaa waxay noqon doontaa mid aynu qaran ahaan ku guulaysano, umad ahaana ku guulaysano Alle mid khayr qabta ha inooga dhigo.”

Guddoomiye-xigeenka Koowaad ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi, ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay sida ay u socoto codbixintu, islamarkaana ay guushu iska cadahay o shacabku kala saari doonaan.,
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
