Guddoomiyaha Warfaafinta KULMIYE oo Xukuumadda ka Dalbaday Inay Xoriyadooda u soo celiso Dad u Xidhan

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)–Guddoomiyaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Xisbiga KULMIYE Maxamed Cilmi Aadn (Ilkacase), ayaa xukuumadda Somaliland ka dalbaday inay xoriyadooda u soo celiso shakhsiyaad ka tirsan xisbiga iyo Masuul ka mid hawlwadeenadii Komishanka oo ciidammada boolisku xabsiga u taxaabeen maalintii ay doorashadu socotay, isagoo ku gudo-jira shaqada.

Maxamed Ilkacase oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ka xunyahay xadhiga lagula kacay Axmed Xaashi Oday oo boolisku xidheen sabtidii wakhti uu ku gudojiro hawshii uu qaranka u hayay iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga oo uu sheegay in iyagana la qabqabtay maalintii doorashada, islamarkaana ka dalbaday cidda dadkaasi u xidhanyihiin inay si dhakhso ah xoriyadooda ugu soo celiso.

“Waxaan isugu keen yeedhay inaan idiin sheego sida uu xisbiga KULMIYE uga xun yahay xadhiga lagula kacay Axmed Xaashi Oday, oo maalintii ay dhacaysay doorashadu xabsiga la dhigay welina xidhan, waxaanan codsanaynaa in isaga iyo waliba taageerayaal reer KULMIYE ah oo iyagana isla maalintaas la qabqabtay la sii daayo” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Warfaafinta KULMIYE.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa

Comments are closed.