Wasiirka Arimaha Africa Ee Boqortooyada Wadanka Britain Md Henry Bellingham Oo Soodhaweeyey Doorashada Somaliland Kuna Tilmaamay Guul U Soohoyatay Qaarada Africa
London (Kulmiye.org) Waxa kaqabsoomay Jamuuriyada Dummuqraadiga ee Somaliland maalintii Sabtida ahayd ee 26/06/2010kii doorashada Madaxtooyada Somaliland cidii hogaamin lahayd shanta sano ee soo socota hadal haynteeda wax ka qoray dhamaanba warbahinta Somaliland oo ay u horayso Shabakada wararka Madaxa banana ee Golisnews iyo dhamaanba warbahinta Caalamka oo dhan hadii ay tahay TV la iska arko iyo Jaraaidyada aduunka iyo wakaladaha Wararka Aduunka oo dhan.
Hadaba Waxa Maanta shir jaraaid ku qabtay magalada London halka looga taliyo ee Down Street kuna tala badhamaha magalada London Wasiirka Arimaha qaarada Africa iyo Qaramada Midoobay (Africa and the United Nations) u qaabil san wadanka boqor tooyada Britain oo ah lagana soodoorta Xaafada North West Norfolk,kana soo baxay Xusbiga Conservative Part.Henry Bellingham
Wasiirka Africa ee Boqortooyada Britain Henry Bellingham aya waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u diray Shacabka Jamuuriyada Somaliland iyo Sadaxda Gudomiye Qaran iyo Komoshinka Qaranka Jamuuriyada Somaliland oo uu ku tilmaamay iyaga kuwo gutay howl aad iyo aad u baxadweyn waxaanu ku tilmamay Niman howl karaa oo xilkasiyiina waa sida u hadalka u dhigaye.
Wasiirka Africa ee Boqortooyada Britain Henry Bellingham Waxa uu kula taliyey in ay u Hogan samaan Sadaxda Gudoomiye Qaran ee Jamuuriyada Somaliland in ay ka warsugaan tirinta ay gacanta ku hayaa comishinka qaranka oo hada socota ilaa inta ay ku dhawaaqayaan go,aanka comishinkana u Hogaamsamaan sadaxdooduba isuguna hanbalyeeyaan ka ay guushu raacdo.
Wasiirka Africa ee Boqortooyada Britain Henry Bellingham waxa uu yidhi doorashada Somaliland waxa ay ku dhamaatay guul o kaga soobaxday codbixiyayaasha Somaliland waa shacabkee silamida xusbiyaduna Ololahoodii waxa ay ku dhamaysteen nabadgalyo waxaanay horumar u tahay dalka Somaliland iyo shacabka .
Wasiirka Africa ee Boqortooyada Britain Henry Bellingham waxa uu yidhi doorashadii Satardhaydii 26 June. 2010 waxa ay u hayd Dadka iyo dalka Somaliland mahiim aad iyo aad u wayn waxaanay u dhacday sinamada oo tusaale cadbay u ahayd dhamaanba Shacabka aduunka waxanay muujinaysay rabitaanka Shacabka Somaliland
Wasiirka Africa ee Boqortooyada Britain Henry Bellingham waxa uu yidhi Dowlada Britian way soo dhawaynasaa oo indha furan ku eegasaa doorashada Somaliland waxaanay noqon doonta mid isku soodhawaysa Somaliland iyo Britain waaxnu eeganaa Mustaqbalka Somaliland si uga dhowsidii hore waa sida uu hadalka u dhigaye.
Source/ Golisnews