Dhamaan Hawlwadeenada Shabakadda Xisbiga Kulmiye Oo Hambaliyayna Shacabka Reer Somaliland

https://mail.google.com/mail/?ui=2&ik=ece4a3fd56&view=att&th=129887a3c8daa410&attid=0.1&disp=thd&realattid=f_gb1qx22e0&zw

Dhamaan hawlwadneeda xisbiga Kulmiye u qaabilsan warbaahinta dibadda gaar ahaan Kulmiye.org waxay hambaliyo aan xad lahayn u soo dirayaan guusha shacabka reer Somaliland ay ka soo hooyeen ka qayb qaadashadii  maalintii doorashada madaxtooyada jamhuuriyadda

Maxamud Caydiid Lafcanbe

Somaliland ee ahayd 26kii June oo ahayd malintii 50 sannadood ka hor aynu xornimada ka qaadanay mustacmaraddii dalka Ingriiska. Shacabka reer Somaliland waxay muujiyen geesinimo iyo dimuqraadiyad aan hore looga baran qaaraddan Africa. Shacabka reer Somaliland waxay mas’uuliyad qaran iska saareen inay guutaan xilka iyo waajibka qarannimo ee ka saaran isla markaasna ay si muuqata oo lagu farxo ay u soo bandhigeen in  iyagu shacab ahaan ay yihiin kuwa loo shaqeeyo ee awood u leh inay badali karaan dooranna karaan siyaasiyiinta qaraanka.

Shacabka reer Somaliland waxay ku amaanan yihiin doorashadaas ay isugu soo baxeen sida nabadgalyada ah iyo waajibka wadaniga ah ee ay sida fican u guteen ee ah in nidaam dimuqraadiya dawladna lagu dooran karo dawladna lagu badali karo si kasta oo cadaadis iyo cabudhinba loo saaro loo saaro.

Mar labaad waxaanu shacabkayga reer Somaliland leenahay Hambaliyo, Hambaliyo Somalilandna ha noolato.


Maxamud Caydiid Lafcanbe

Kulmiye.org

Comments are closed.