Xisbiga Kumiye Oo Shacbiga Somaliland U Hambalyeeyay
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-2010-Xisbiga KULMIY, ayaa shaaciyey inay aqbali doonaan natiijada ka soobaxda codbixintii doorashada madaxtyooyadda Somaliland ee sabtiudii dalka ka dhacday.
War-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay Xoghayaha Guud, Keyse Xasan, ayaa
shacbiga Somaliland ugu hambalyeeyay sidii nabadgelyada iyo xilkasnimada ahayd ee ay uga qayb qaateen doorashadii madaxtooyada, wuxu kale oo uu sheegay in ay xisbi ahaan u hogaansami go’aanka ka soo baxa komishanka doorashooyinka qaranka. Waxaanu u qoraa warsaxaafadeedkaasi sidan:
”Mahad Eebe kadib, Xisbiga Kulmiye wuxuu shacbiga Somaliland ku boogaadinayaa sidii nabadgalyada iyo xilkasnimada lahayd ee shacabka Somaliland uga qaybqaateen codeynta doorashada Madaxtooyada ee 26kii Juun ka qabsoontay dalka.
Xisbiga Kulmiye isaga oo ka tarjumaya dareenka nabadgalyo ee shacabku muujiyay, wuxuu ugu baaqayaa in si degan loo sugo inta ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqayso natiijada doorashada.
Xisbiga Kulmiye wuxuu balanqaadayaa inuu u hogaansamayo go’aanka ka soo baxa Guddiga Doorashooyinka Qaranka”.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa