Dadweynaha Reer Hargeysa oo Rajo Fiican ka Bixiyey Xukumada Cusub ee la Dhisi doono
Hargeusa-(KULMIYE.ORG)-Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay waxyaabaha la filayo inay qabato Xukuumada Cusub ee uu soo dhisayo Madaxweynaha la wareegi doona talada dalka Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Hargeysa, oo shebekadda Berberanews u kuurgashay, waxna ka weydiisay dareenkooda, ayaa sheegay inay aad u rajaynayaa inuu Ilaahay ka dhigo xukuumad baahi tirta dhamaan Shacabka Somaliland, isla markaana wada deeqda Guud ahaa shacabkii Doortay, waxaanay ka rajeeyeen Madaxweynaha Cusub inuu wax ka badalo talaabooyinkii xukuumadii laga guulaystay iyo inuu Illaahay ugu dhamaytiro sidii nabadgalyada ahayd ee lagu doortay.
Maxamed Xuseen oo ka mid ah Macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Hargeysa oo dareenkiisa wax ka waydiinay ayaa sheegay inuu Xukuumadan ka sugayo inay noqoto mid baahi tirta Dhamaan Macalimiinta Somaliland oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Xaalad adag iyagoo ku noolaa Mushahar La’aan isla markaana Ixtiraam ku haysan shaqada ay u hayaan shacabka, waxaana uu xusay in Xukuumadan wax ka qabato dhamaan Baahiyaha ay sugan yihiin shacabka Somaliland, soona celisa kala danbaynta iyo nidaamkii Dawladnimo kana fogaata inay u shaqayso cid gaar oo ay dadka ku beerto inay ku shaqeeyaan Cadaalad.
Mid ka mid ah Hooyooyinka ka ganacsada Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ayaa iyaduna aanu wax ka waydiinay waxa ay ka filayso Madaxweynaha Cusub, waxaana ay sheegtay inay Madaxweynaha Cusub ay ka filayso inuu dalka iyo dadkaba ku maamulo Cadaalad iyo Sinaan, waxaanay xustay inay ku rajo wayn tahay inuu dhaqaalaha dalka sare u qaado oo ay Somaliland gaadhay Barwaaqo iyo Horu mar.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
HARGEYSA