KULMIYE oo u Mahadceliyey Waddamadda Shisheeye ee Hambalyeeyey Doorashadii Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa (KULMIYE.ORG/Jamhuuriya)- Xisbiga KULMIYE ayaa jawaab mahadcelin ah ka bixiyey waddamo dhawr ah iyo masuuliyiin shisheeye oo hambaleeyey doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee ay ku guulaysteen murrashixiintii jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee KULMIYE.
Xoghayaha Arrimaha Dibada xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa si weyn ugu mahadnaqay waddamadii iyo masuuliyiin kala duwan oo xisbigooda ku soo hambalyeeyey guusha ay ka soo hooyeen doorashadii Madaxtooyada, isagoo mid la mid ah u diray.
Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE, waxa uu xalay Jamhuuriya soo gaadhsiiyey jawaabta mahadcelinta, waxaanay iyadoo dhammaystiran u qornayd sidan:
“Waxa na soo gaadhay dhambaalo hambalyooyin iyo boogaadi ah oo waddamo iyo shakhsiyaad shisheeye u soo diraeen xisbiga KULMIYE doorashadii Madaxtooyada ee uu ku guulaystay. Sidaa daraadeed waxaannu jawaab hambalyo ah u diraynaa dawladdaha na soo hambalyeeyey oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya, Jabuuti iyo Koonfur Afrika iyo shakhsiyaad isugu jira xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan oo adduunka ka tirsan, kuwaas oo dhammaantoodba xisbiga KULMIYE iyo murrashixiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ku tahniyadeeyey guusha doorashada ay ka gaadheen, iyagoo sidoo kalena shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey doorashadii sida dimuqraadiga ah u dhacday ee xorta iyo xalaasha ahayd ee ay galeen iyo sidii nabadgelyada ahayd ee ay u codeeyeen.
Aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE waxaan doonayaa in aan tahniyadahaasi ka mahadceliyo oo aan uga mahadnaqo sida fiican ee ay noo soo tahniyadeeyeen, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin.”
Xafiiska warbaahinta KULMIYE
Hargeysa