Ra’iisal wasaaraha Britain oo soo dhaweeyey doorashadii ka dhacday Somaliland


London, (Kulmiye.org)-Ra’iisal wasaaraha dalka Britain ayaa soo dhaweeeyey doorashooyinkii Somaliland ka dhacay 26, June, 2010, wuxuu sheegay Ra’iisal wasaaruhu inuu soo dhawaynayo doorashooyinkaas.
Ra’iisal wasaaraha oo shalay la hadlay baarlamanka dalkaasi waxa su’aal la xidhiidha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada ka hirgashay Somaliland waydiiyey mudane laga soo doorto magaalada Cardiff ee gobolka Wales. Waxaanu Ra’iisal wasaaruhu carabka ku dhuftay inay la xaali doonaan dawlada cusub.
“Waan ku raacsanahay Mudanaha inaan soo dhaweeyo doorashooyinkii nabadgelyada ahaa ee ka dhacay Somaliland, waana mid ku saabsan qayb caalamka ka mid ah, waxaanay tusaale u yihiin dimuqraadiyada dhabta ah, waxaanay ka dhaceen qayb caalamka ka mid ah oo taas aan hore looga aqoon dalkan Ingiriiskuna wuxuu kharash ku bixiyey la socodkii doorashooyinkaasi” ayuu yidhi Mr. David Cameroon waxaanu intaa raaciyey oo yidhi: “Waxaanu si wayn u danaynaa inaanu la xaalno dawlada cusub, waxaanay ila tahay in arrinta ugu muhiimsani ay tahay iyadoo aan filayo in baarlamanka oo dhami raacsan yihiin in arrinta mudnaanta ugu wayni ay tahay inaanay kooxaha aragagixisada ahi saldhig ku yeelan Somaliland sida Soomaaliya ay ugu leeyihiin, dawlada cusubna waanu la xaali doonaa.