Gudidii Talobixinta oo soo Saaray Muuqaalka Dawladda Cusub
Hargeysa,Guddidii uu Madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray inay ka soo tallobixiso qaab-dhismeedka iyo muuqaalka ay yeelanayso xukuumadda cusub ee laga sugayo xisbiga KULMIYE eek u guulaystay tartankii doorashada Madaxtooyadda.
Gudidaa oo ka kooban dhowr iyo toban xubnood oo maanta kulan ay saxaafada kula hadlayeen ku qabtay Huteelka maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay qaabka ay ku talo bixiyeen in loo dhiso Hayadaha dawlada iyo tiradooda, waxayna sheegeen inay soo jeediyeen inay dawlada cusubi ka koobnaato 15 wasaaradood, kuwaas oo aan lahayn wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal toona.balse yeelanaya waaxo Agaasin ah(Directress).
Qoraal ay ku shaxeeyeen talooyinkooda oo uu madasha ka akhriyay xoghayaha gudidaa Maxamed faarax, waxayna qaabka loo qorsheeyay wasaaraddaha yihiin sidan;-
!)- Wasaarada Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Agaasinka Arrimaha dibada
Agaasinka Arrimaha Iskaashiga caalamiga ah
Agaasinka qurbo-jooga
2)- Wasaarada Arrimaha Gudaha
Agaasinka Arrimaha Amniga
Agaasinka Arrimaha Qaxoontiga iyo Barokacayaasha
Agaasinka Arrimaha socdaalka
Agaasinka horumarinta iyo iskaashiga dawladaha Hoose
3)- Wasaarada Maaliyada iyo Qorshayta
Agaasinka Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Agaasinka Lacagta
Agaasinka Maaliyada
4)- Wasaarada Difaaca
Agaasinka Hawl-gelinta
Agaasinka Tababarada
Agaasinka Saadka
Agaasinka Naafada iyo Agoomaha Halganka
Waaxda Ururinta Taariikhda Halganka
5)- Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha
Agaasinka Ganacsiga
Agaasinka Warshadaha
Agaasinka Maalgelinta
6)- Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta
Agaasinka Xoolaha
Agaasinka Deegaanka
Agaasinka Horumarinta reer Miyiga
7)-Wasaarada Beeraha iyo Khayraadka Badda
Agaasinka Beeraha
Agaasinka Khayraadka Badda
8)- Wasaarada Biyaha, Tamarta iyo Macdanta
Agaasinka Biyaha
Agaasinka Tamarta
Agaasinka Macdanta
9)- Wasaarada Arrimaha Diinta iyo Garsoorka
Agaasinka Arrimaha Diinta
Agaasinka Arrimaha Garsoorka
10)- Wasaarada Caafimaadka
Agaasinka Caafimaadka guud
Agaasinka Dawaynta
Agaasinka Shaqaalaha iyo Saadka
Agaasinka Maamulka iyo Loojistikada
11)-Wasaarada Waxbarashada
Agaasinka Dugsiyada Hoose Dhexe
Agaasinka Dugsiyada sare
Agaasinka Agaasinka dugsiyada Farsamada
Agaasinka Horumarinta Manaahijta iyo Tabobarka Macalimiinta
Agaasinka Agaasinka Taxliinta Sare
12)- Wasaarada Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada
Agaasinka Warfaafinta
Agaasinka Isgaadhsiinta
Agaasinka Tignoolajiyada
13)- Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka
Maamulka Dekada
Maamulka Duulista Hawada
Maamulka Wadooyinka
Agaasinka Guriyaynta
14)- Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Agaasinka Arrimaha bulshada
Hawlgabka
Naafada
Agoomaha
Agaasinka Arrimaha Haweenka
15)- Wasaarada Dhalinyada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka
Agaasinka Dhalinyarada
Agaasinka Ciyaaraha
Agaasinka dhaqanka iyo Taariikhda Qaranka
Guddidaasi waxay soo jeediyeen inaan xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo aanay yeelan Wasiirul dawleyaal iyo Wasiir Ku Xigeeno.
Waxa kale oo ay Guddidu soo jeediyeen in sidoodii ay ahaadaan Haayadaha dastuuriga ah ee dawliga ah iyo Guddiyada Digreetada lagu magacaabay.
Guddidu waxa kale oo ay sheegeen in Wasaaradaha iyo Haayadaha dawlada cusubi ay shaqayn doonaan 7:00 Subaxnimo illaa 2:00 galbnimo lixda bilood ee u horreeya dhismaha xukuumada cusub ka dibna labada gelinba la shaqayn doono.
Waxa shirkaasi jaraa´id hadalo ka soo jeediyay Guddoomiyihii Guddidan Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Ku Xigeenkii Guddidan Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, waxaanay dhammaantood ka warameen ahmiyada ay leedahay in dalka laga hirgeliyo dawlad tayo leh oo kooban waxaanay tilmaameen in dawladii hore ay culays dhaqaale iyo mid nidaamba ku haysay dalka, waxaanay shacbiga ka dalbadeen inay taageeraan xukuumadan.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa