Madaxweyne Siilaanyo oo Gudidii Tallobixinta u Xilsaaray Waxqabadka u Horeeya ee Xukuumada

Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar labaad Guddidii uu u magacaabay ka soo talo bixinta qaab-dhismeedka xukuumada cusub u diray inay ka soo tallo-bixiyaan qaabka mudnaanta loo kala siinayo waxqabadka xukuumada Boqolka Maalmood iyo lixda bilood ee ugu horeeya.

Sidan-na Md. Axmed Siilaanyo waxa uu ku sheegay qoraal kooban uu maanta soo saaray, kaas oo uu Guddida ugaga mahad-celiyay sidii wax-ku-oolka ahayd ee ay u soo guteen hawshii hore ee uu igmaday.

Waxaana qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Marka hore waxaan Mudaneyaal iyo Marwooyin si xushmad iyo qadarin leh idiinka mahad celinayaa sidaad uga soo dhalaasheen hawshii aan idiin xil saaray, sidaad la socotaan Mudaneyaal iyo Marwooyin xukuumada cusub waxa laga sugayaa waxqabad badan.

Sidaasi darteed, waxaan idiin xil saaray sida waxqabadka dawlada mudnaanta loo kala siinaayo Boqolka maalmood iyo Lixda bilood ee ugu horreeya haddii Alle yidhaahdo.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa

Comments are closed.