Maxkamadda Sare ee S/land oo Si Rasmiya ugu Dhwaaqday Natiijadii Doorashada Madaxtooyadda
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Maxkamada sare ee dastuuriga ah ee somaliland ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay natiijadii hordhaca ahayd ee komiishanka doorashooyinka Qaranku horaantii bishan Julay ka soo saareen doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26/06/2010-ka. ee uu Xisbiga KULMIYE ku guulaystay.
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Md Maxamed Axmed Xirsi Oomane oo ay weheliyaan xeer ilaaliyayaasha Maxkamada sare ayaa sheegay in markii ay darseen natiijada komiishanku ka soo saareen codadkii saddexda xisbi qaran (UDUB/KULMIYE iyo UCID) ka heleen doorashadii Madaxtooyada isla-markaana ay arkeen in codadka ugu badan uu helay xisbiga KULMIYE ay maxkamadu anixisay natiijadaasi oo ay sharci tahay, sidaas daraadeedna uu xisbiga KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtootada.
Guddoomiyaha Maxkamada sare Md Oomane oo arimahaa faaqidayaa waxa uu yidhi “Maxkamadu daristay sugnaanshaha tirooyinka saddexda xisbi ka kala heleen doorashadii Madaxtooyada, waxay ansixisay natiijadii komiishanka doorashooyinku soo saaray, taas oo ahayd in xisbiga KULMIYE helay 266.609, taas oo la mid ah 49.59%, xisbiga UDUB-na uu helay 178.881 cod, taas oo u dhiganta 33.28%, halka xisbiga UCID-na uu ka helay codkii doorashada laga dhiibtay 92.450 oo u dhiganta 17.18%, taas oo sharci ah oo KULMIYE ku guulaystay tirada ugu badan codadkii laga dhiibtay doorashada.’
Guddoomiyaha Maxkamada sare waxa uu sheegay maadaama oo xisbiga KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada uu xilka Madaxwaynuhu bilaabmayo maalinta loo dhaariyo xilka isaga oo xilka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka uu ahaaanayo muddo shan sanadood ah.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa