Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika oo KULMIYE iyo murrashaxiintiisii ku hambalyeeyey guushii ay gaadheen

Hargeysa/Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dawlada Ingiriiska Mr. Henry Bellingham, ayaa daboolka ka qaaday inuu aqoonsan yahay waxyaabihii madaxweyne Rayaale u qabtay Somaliland mudadii uu xilka hayey iyo go’aankii geesinimada lahaa ee uu ku aqbalay in lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 26 June 2010.

Sidaana waxa wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriisku ku sheegay qoraal uu ugu hambalyeeyey madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kadib markii maxkamada sare malintii Axada si rasmi ah u xallaalaysay natiijada doorashadii madaxtooyada ee Komishanku hore u soo saareen 1 July 2010, waxaanu wasiirka Ingiriisku si guud u hambalyeeyey saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo uu sheegay inay muujiyeen hannaan dimuqraadiyadeed oo dhamaystiran.

Qoraalka wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan Ingiriiska Mr. Henry Bellingham ugu hambalyeeyey KULMIYE oo ku-xigeenka safaarada Ingiriiska ee Addis Ababa John Marshal xalayy khadta Internet-ka ugu soo diray warbaahinta Somaliland, waxa isaga oo faahfaahsan uu u qornaa sidan;

“Waxaan u hambalyeynayaa Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) guusha uu xisbigiisa KULMIYE ka soo hooyey doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday iyo dhammaanba xisbiyada kale ee muujiyey hannaanka dimuqraadiyadeed. Dawlada Ingiriisku waxay rajaynaysaa dhismaha xidhiidhka labada dhinac ah ee ay la leedahay Somaliland, anaga oo kala shaqayn doona danaha ku saabsan degenaanshaha iyo horumarinta gobolka.

Waxaan aqoonsanahay waxqabadkii Daahir Rayaale u muujiyey Somaliland mudadii uu xilka hayey, doorkii uu ka qaatay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska iyo go’aankii geesinimada lahaa ee uu ku aqbalay natiijada doorashadii madaxtooyada. Waxa uu qabtay wax badan oo sare loogu qaaday dimuqraadiyada iyo xasiloonida Somaliland.

Waxa kale oo aan u hambalyeynayaa Komishanka doorashooyinka oo hannaankii doorashada ku maamulay xirfad heer sare ah. Waxayna doorashadii madaxtooyada Somaliland fariin toggan u diraysaa dalalka qaarada Afrika iyo wixii la hal maalaba.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa

Comments are closed.