Madaxweyne Siilaanyo oo Dhigoosa Yuganda ka Tacsiyeeyey Falalkii Argagixiso ee Kampala

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-War-saxaafadeed:Waxaan aad uga xumaaday falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimada dalka Ugaandha ee Kampala kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac labadaba. Waxaan anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Somalilanba u dirayaa tacsi eheladii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka reer Ugaandha geerida naxdinta leh ee ku timid shacabkooda. Waxaan cambaareynayaa dadkii ka dambeeyey falal dambiyeedkani; waxaanan ku talinayaa in dadkii ku kacay dambiyadani la kor keeno sharciga.

Falalkaasi foosha xun oo ay sheegteen Ururka Al-Shabaab ee Somalia waxaa maalintii Axadda ee Bisha July aheyd 11ka sannadka 2010 lala beegsaday laba goobood oo lagu daawanayey ciyaartii kama dambaysta aheyd ee kubbada cagta adduunka ee ay wada ciyaarayeen dalalka Spain iyo Holland; waxaana falalkaa argagixiso ku dhintay in ka badan todobaatan (70) qof iyadoo in ka badan sideetana (80) ay ku dhaawacantay.

Waxaynu ogsoonahay inay aad ugu soo badanayaan dunida maanta gaar ahaan dalalka ku yaala Geeska Afrika falalka is-miidaaminta ee laga fuliyo xafiisyada dawlada, dugsiyada iyo goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ahi sida goobaha ganacsiga, hoteellada iyo meelaha dadweynuhu ku kulmaan. Somaliland waxay kamid tahay dalalka ay dhibaatadu kasoo gaadhay falalka argagixiso. Waxaa ka dhacday masiibo aad u ballaadhan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa bishii Oktoobar 29dii ee sannadkii 2008 kadib markii ay ka dhaceen seddex qarax oo is-dabajooga oo xoogan lana doonayey in lagu burburiyo nabbadda, xassiloonida iyo dimoqraadiyada koraysa ee Somaliland. Waxaana halkaasi ku naf-waaeyey dad tiradoodu kor u dhaaftay 20 qof, tiro intaasi ka badanina ay ku dhaawacantay. Falalka noociya waxaa kaloo laga fuliyey dalalka mandiqada ku yaala sida Ethiopia, Kenya iyo Tanzania.

Si hadaba loo ogaado, loogana hortago shirqoolada ay maleegayaan ururada xag-jiraa waxaa lagama maarmaana in si wadajira ay isaga kaashadaan wadamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika iyo IGAD dhinaca xuuraanka iyo dabagalka dadka ka dambeeya qorshaha iyo fulinta falalkani halista ah oo maanta cabsi fara badan iyo warwerba ku haya shucuubta ku nool Geeska Afrika.

Waxaanu diyaar u nahay haddii aanu nahay Madaxda iyo shacabweynaha Somaliland inaanu gacan ka geysano wax alla wixii lagu xakamaynayo ama lagaga hortegayo mu’aamaraadka iyo falalka aragagixiso ee la doonayo in laga fuliyo dalalka Geeska Afrika.

Allah Mahad Leh,

Md. Ahmad Mohamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee la doortay

Comments are closed.