Ganacsade Al-jaabiri oo hambalyo u diray Madaxweyne Siillaanyo
Hargeysa- (KULMIYE.ORG/Ogaal)- Shirkadda Ganacsiga Xoolaha Sulaymaan Al-jaabiri, ayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ku hambalyaysay xilka loo doortay, isla markaana shacabka Somaliland ku bogaadiyay xailoonidii ay doorashada ku galeen.
Qoraal uu ku saxeexan yahay mulkiilaha shirkaddaas Sulaymaan Siciid Al-jaabiri oo ku qornaa Af-carabi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Ogaal, waxa isaga oo ku sugan dalka Sucuudiga uu Somaliland Illaahay uga rajeeyay inay gaadhaan horumarka ay hiigsanayaan. Tarjumista qoraalkaas oo koobnaana waxay dhigan tahay sidan:
“Waxaanu tahniyad iyo Hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaana aanu u rejaynaynaa Somaliland Xukuumad iyo Shacab-ba degenaansho, horumar iyo barwaaqo. Sidoo kale, waxaanu shacbiga Reer Somaliland ugu hambalyaynaynaa sidii xasiloonayd ee ay doorashada u galeen. Sidoo kalena waxaanu Illaahay uga baryaynaa inuu gaadhsiiyo horumarka ay hiigsanayaan.”
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa