Madaxweynaha la Doortay oo Beeniyey Wasirro Hordhaca oo Warbaahintu Qortay

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa beeniyey inuu magacaabay wasiirro hordhaca oo ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta madaxabannaan ee dalku.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Cusub oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Xisbiga KULMIYE Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase), ayaa lagu sheegay inaanay waxba ka jirin wasiirro ka mid noqon doona xukuumadda xusub oo uu madaxweynuhu magacaabay.

Qaar ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ee dalka ka soo baxa, ayaa daabacay in Madaxweynaha shacabku soo doorteen Mudane , Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) magacaabay wasiiro hordhac u ah oo ka mid noqon doona xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo.

Hadaba, waxaan caddaynayaa inaanay jirin haba yaraatee wasiiro si hordhaca loo magacaabay ilaa hada, Madaxwaynaha la doortayna wuxuu ku mashquulsanyahay sidoo uu talooyin iyo afkaaro haboon uga uruursan lahaa aqoonyahanada kala gedisan ee qarankani leeyahay si uu u soo dhiso dawlad kooban oo tayo leh, dalkana horumar gaadhsiin karta.

Gebogebadii Madaxwaynaha la dooratay waxaa uu xukuumadiisa oo isku dhan uu soo magacaabi doonaa Hadii Alle yidhaa xiliga uu xilka si rasmiya ula wareego qarankana uu u dhaarto sida uu dhigayo dastuurka qaranku, sidaa daraadeed waxaan warbaahinta kula talinayaa inaanay iska qorim waxyaabaha mala-awaalka ah ee laysla dhexmarayo.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa

Comments are closed.