Madaxweynaha la Doortay iyo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa oo Kulan Yeeshay

Hargeysa (KULMIYE.ORG/Jam)- Madaxweynaha la doortay ee dhawaan xilka la wareegaya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Ku-xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Mr. John Marshal oo booqasho maalmo ah somaliland ku jooga.

Kulanka oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana aan warbaahinta loo oggolayn, ayaanay jirin wax warar ah oo ka soo baxay labada dhinac midkoodna, hase ahaatee sida ilo xogagaal ah oo ku dhawdhaw tibaaxeen kulankan ayaa la xidhiidha xaaladda kala guurka Somaliland iyo xil-wareejinta labada Madaxweyne ee ku kala guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacay 26-kii June 2010.

Waxa kale oo wararku sheegayaan in Madaxweynaha iyo Safiir-ku-xigeenku kulankooda kaga wadahadleen arrimo ay ka mid tahay xaaladda ammaanka dalka ee xilliga xil-wareejinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya oo intii ka dambaysay weeraradii ay ka gaysteen dalka Uganda cabsi iyo dareen wayn laga qabo, iyadoo Md. Siilanyo Jimcihii doraad uun uu kulan kale la yeeshay saraakiil ka tirsan sirdoonka Ingiriiska

Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska Mr. John Marshal ayaa la filayaa inuu berri kulan la yeeshay Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

John Marshal ayaa Midowga Yurub uga masuul ah arrimaha siyaasad Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka oo uu kaalin wayn ka qaatay sidii doorashadii Madaxtooyadu u qabsoomi lahayd.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa

Comments are closed.