Kooxo Hubaysan oo Magaalada Berbera ku Weeraray Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Berbera,(KULMIYE.ORG/Berberanews)-Saddex nin oo ku hubaysan budhadh iyo tooriyo, ayaa magaalada Berbera ku soo weeraray Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis (Waxdad).
Abaaro shantii iyo badhkii galabnimmo ee maanta, ayaa saddexdan nin soo weerareen Xoghayaha oo hor fadhiya meherad kaalin shidaal ah oo uu ku leeyahay Berbera uu ku warhelay saddexda nin oo buburiyay, dhulkana dhigay badi muraayadihii gaadhigiisa, ka dibna markii ay ka soo joosteen gaadhiga, ayay nimankii u soo dhaqaaqeen dhinaca Mustafe Waxdad, haseyeeshee markii ay ku soo dhawaadeen ayuu Xoghayuhu ku riday rasaas uu iskaga caabiyay weerarkii ku soo maqnaa, taasoo sababtay inay saddexdii nin yaacaan oo baxsadeen.
Hadaba, Xoghayaha la soo weeraray oo aanu ku gaadhnay goobtii uu falkaasii ka dhacay, ayaa sheegay in weerarkani ahaa mid cid gaari ka danbaysay oo la doonayay in lagu khaarajiyo, balse uu Ilaahay ka badbaadiyey.
Taliyaha saldhiga dhexe ee Berbera oo aanu wax ka weydiinay inay jirtto cid falkan loo hayo, ayaa sheegay inay imika u xidhan yihiiin sadex nin fal danbiyeedkan baadhistuna ay socota wixii ka soo baxana ay soo bandhigi doonaan.
Dhacdadan oo noqotay tii ugu horaysay ee nooceeda ka dhacda Berbera, ayaa waxay ka fajicisay dad badan oo reer Berbera ah, kaasoo naxdin iyo wer wer ku abuuray bulshada .
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Email, kulmiyeparty1@gmail.com