Madaxweyne Silaanyo oo Tacsi u Diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xariir Sheekh Cismaan

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha cusub ee shacabku soo doortay Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xariir Sheekh Cismaan Nuur oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska, shalay oo taariikhdu ahayd 22, JULY, 2010 lagu aasay Magaaladda Burco ee Xrunta Gobolka Togdheer.

Madaxweynuhu waxa uu Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii Jano Ka waraabiyo Marxuumka, Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin.

Allaa Mahad Leh,

Madaxweyne, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Comments are closed.