Wefti Ballaadhan oo Dalka Jabuuti uga Qaybgalay Munaasibadda Xil-wareejinta Somaliland oo Dalka Yimi
Hargeisa (KULMIYE.ORG/Jam)- Wefti ballaadhan oo dawladda dalka Jabuuti u soo dirsatay ka qaybgalka munaasibadda dhaarinta iyo xil-wareejinta labada Madaxweyne ee talada dalka la kala wareegaya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay galab ka soo degay gegida diyaaradaha magaalada Hargeysa, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Weftigan oo ka kooban 16 xubnood oo uu hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta, ahna Afhayeenka Jamhuuriyada Jabuuti Md. Cali Cabdi Faarax, waxa wehelinaya xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Jabuuti iyo masuuliyiin kale oo wasiiro iyo diblumaasiyiin isugu jira, ayaa abbaaro 5:05 galabnimo ee shalay ka soo degay madaarka caalamiga ah Egal International Airport, halkaas oo madax badan oo qaranka Somaliland ka tirsani ku soo dhaweeyeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibada, Xoghayaha Arrimaha Dibada KULMIYE, Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Somaliland, Maayarka Caasimadda, salaadiin iyo wasiiro iyo saraakiil fara badan oo isugu jira xukuumadda talada ka sii degaysa iyo xisbiga madaxtinimada dalka ku guulaystay.
Hoggaamiyaha weftiga, ahna afhayeenka dawlada Jabuuti oo shir jaraa’id ku qabtay qolka nasashada madaarka Hargeysa, waxa uu sheegay inay dalka u yimaadeen sidii ay uga qaybgeli lahaayeen munaasibadda xil-wareejinta labada madaxweyne ee doorashadii dalka ka dhacday oo uu ku tilmaamay inay ahayd cashar Afrika oo dhan Somaliland u dhigtay.
Md. Cali Cabdi Faarax waxa uu shacabka Somaliland soo gaadhsiiyey hambalyo uu sheegay inuu uga sido Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Jabuuti.
“Waxaannu u nimi si aannu ula ciidno ummadda aannu walaalaha nahay ee reer Somaliland oo aannu kala qaybgalno munaasibadaa caleemo-saarka Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud oo aannu ognahay sida quruxda badan ee loo doortay. Cidii Somaliland dhib, dhiig iyo dhal wadaagaysay way ku faraxday doorashada xalaasha ah ee sida dimuqraadiyadda ah u dhacday, runtii casharka Somaliland Afrika iyo adduunkaba u dhigtay, haddii annagu aannu nahay reer Jabuuti oo ah kuwii ugu dhawaa waanu ku faraxnay. Runtii sidaynu ogayn doorashada waatii mar aynu yar baqanay, laakiin danta dimuqraadiyadda ayaa ku jirta oo waa la isku qabtaa marka xilka madaxweyne dhammaado, tii waynu ogayn sidii quruxda badnayd ee ay ku dhammaatay,” ayuu yidhi Wasiirku.
Md. Cali Cabdi Faarax, waxa uu sheegay in reer Jabuuti doorashada kula jireen walaalahooda reer Somaliland, waxaannu yidhi, “Haddii aannu reer Jabuuti nahay doorashada waanu idinkula jirnay, waayo waanu idinla soconay habeenkii doorashadu dhacaysay, habeenkii loo soo jeeday waanu idinla soo jeednay, waad faraxdeen, waanu idinla faraxnay, waanu idiin faraxnay oo waanu idinku faraxnay. Markaa wanaag baan sidnaa, walaalnimo ayaanu sidnaa, Madaxweynaha, dawladda iyo shacabka reer Jabuuti ee walaalaha tihiin waxaannu idiinka sidnaa salaan, kalgacal iyo hambalyo.”
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland si fiican u soo dhawaynayso weftiga qiimaha leh ee ka socda dalka Jabuuti.
“Wasiirka iyo xubnaha la socdaba aad baanu u soo dhawaynaynaa, aniga oo ku hadlaya magaca guud ee qaranka Somaliland, waanu ognahay in aynu isku talaalanahay, waynu ognahay xidhiidhkeenu inuu meel fiican taagan yahay, laba dal oo jaar ah oo wax badani ka dhexeeyaan ayeynu nahay,” ayuu yidhi Md. Ducaale.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in imaatinka weftiga dalka Jabuuti ka socdaa uu wax weyn u soo kordhin doono Somaliland, “Waxaannu soo marnayna waad ogtihiin haddii ay tahay dhismaha dimuqraadiyadda, haddii ay tahay nabadgelyada, weli ma nihin dal adduunku aqoonsan yahay, imaatinkiinuna waxaannu filaynaa wax weyn inuu kordhin doono, caalamkana waxaannu u sheegaynaa somaliland waxay qaadatay majare cad meel ay ka noqotaana ma jirto, waxaannu ku rajoweynahay in si nabadgelyo leh ay ku dhacdo xil-wareejinta labada madaxweyne Md. Axmed Siilaanyo iyo Md. Daahir Rayaale in 27 bishan ay u dhacdo sida ugu quruxda badan leh.”
Sidoo kale, Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga KULMIYE ee talada dalka ku guulaystay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isna ka hadlay halkaasi, ayaa sheegay in iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhexeeya dalka Jabuuti ay ka turjumayso weftiga ballaadhan ee dawladda Jabuuti u soo dirsatay xil-wareejinta labada madaxweyne. Waxaannu xusay in isaga oo ku hadlaya afka xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay weftiga reer Jabuuti ku soo dhawaynayaan gacmo furan oo farxad iyo raynrayn leh.
“Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay rajaynaysaa in xidhiidhka naga dhexeeya dadka aannu walaalaha nahay ee reer Jabuuti uu sii horumaro oo uu sii adkaado, waxaannunu ka rajaynaa in iskaashiga ka dhexeeya arrimaha mandaqada, haddii ay tahay nabadgelyada, haddii ay tahay horumarinta dimuqraadiyadda, mujtamaca iyo dhaqaalaha oo aannu iminkaba ka leenahay xidhiidh wanaagsan oo waxqabad ah, waxaannu ku talo-jirnaa inuu noqdo mid waxtar ah oo kobca oo ka shaqeeya sidii horumar loo gaadhsiin lahaa shacabka labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland ee walaalaha ah,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi.
Xoghayuhu waxa uu si weyn ugu mahadnaqay dawladda Jabuuti sida ay Somaliland ugu shariftay weftigaas balaladhan, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaannan aad uga mahadcelinayaa dawladda Jabuuti weftiga qiimaha sare leh ee ay u soo dirtay Jamhuuriyadda Somaliland inay nagala qaybgasho munaasibadda ballaadhan ee qaranka Somaliland ugu dabaaldeggayaan sidii wanaagsanayd ee arrimaha doorashadu u dhaceen iyo xil-wareejinta ay xukunka kula kala wareegayaan labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB.”
Weftigan ka socda dalka Jabuuti ee uu hoggaaminayo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Warfaafinta Md. Cali Cabdi Faarax, ayaa noqonaya weftigii u horreeyey ee soo gaadha Somaliland, si ay uga qaybgalaan munaasibadda dhaarinta iyo xil-wareejinta labada madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Daahir Rayaale Kaahin, taas oo la filayo inay wufuud kale oo ka socota dalalka jaarku yimaadaan.
Dhinaca kale, waxa la filayaa in wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Kenya oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Md. Faarax Macalin ay dalka soo gaadhaan berri gelinka hore, ka hor inta aan la qaban munaasibadda xil-wareejinta oo ay ujeedadoodu tahay inay ka qaybgalaan.
wafti oo Cul-culus oo ka socda labada Dawladood ee Jabuuti iyo Kenya oo ka qaybgalaya xaflada xil wareejinta labada Madaxweyne ee Siilaanyo iyo Rayaale.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa