Madaxweyne Axmed Silanyo iyo Ku-xigeenkiisa oo Maanta Xilka si Rasmiya Ula Wareegay
Hargaysa(KULMIYE.ORG):- Waxa maanta si rasmi ah loo xilkii ula wareegay isla markaana loo dhaariyey Madaxweynaha cusub ee Somaliland loo soo doortay iyo ku xigeenkiisa Md Axmed Maxamed Silaanyo iyo Cabdiraxmaan Ismaciil [Saylici].
Xafladd si aada loo soo agaasimay oo lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland oo loogu talo galay munaasibadda xil wareejinta, ayaa waxa ka soo qayb-galay Shirgudoonka Golahaaysah Baarlamanka Somaliland, Wufuud kala duwan oo kala socotay waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, Xildhibaano, Salaadiin, Komishanka doorashoyinka, Awbaano, Culimo aw diin, Aqoonyahano, siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo aad u tiro badan.
Kadib markii la dhaariyey dhaartii dastuuriga ahayd oo uuna dhaarinayay gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Md. Maxmaed Xirsi Oomanae ayaa Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo halkaas ka jeediyey khudbad gaaban oo budnayd mahadnaq,waxana uu mahad celiyey guud ahaan shacabka Somaliland iyo madaxweynaha uu xilka kala wareegayo Md. Daahir Rayaale, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyey Wufuud kala duwan ee kala socotay waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.
“Walaaloyaal xilka maanta Ummadu ii igmatay waa xil weyn, Ilaahay-na waxaan ka baryaa inuu ii fududeeyo. Waxa aan idinka ballanqaadayaa in Ummada sidii ay igu doorteen ee aan hore-ba barnaamijkayaga ugu caddeeyey inaan u noqdo mid si man u maamula Ummada Somaliland oo caddaalad ku maamulo horumarkeeda.” Hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen khudbadii madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey munaasibadda xil wareejinta
Madaxweynaha xilka wareejiyey ee Md. Daahir Rayaale Kaahin oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga hadlay waayihii maamulkiisa intii uu Madaxweynaha ahaa, waxama uu si aada ugu mahad celiyey bulshada reer Somaliland, isagoo sidoo kale u mahad celiyey wufuuda ka yimi dalalka deriska ah
“ wadamada Kenya, Djibouti iyo Ethipia waa wadamada ugu horeeya ee waxaynu doonayno aynu kala hadlayno, haday noqoto aqoonsi iyo hadday noqoto wax kaleba iyagaa ugu horeeya, kuwa kalen way ku xigaan” ayuu yidhi madaxweynaha xilka ka degey maanta Md, Daahir Rayaale Kaahin.
Waxa uu tilmaamay md Rayaale inuu la shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee Somaliland, isla markaana uu diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa uga faa’idanayo Ummada reer Somaliland.
Guud ahaanba xafladaasi ayaa kusoo xidhantay jewi farxadeed, waxana madaxweynaha iyo ku xigeenkii xilka lagala wareegay iyo madaxweynaha iyo ku xigeenka xilka la wareegayba loo xidhay ubaxyo iyagoo dadka dhex qaadayay isla markaana si aada u faraxsanaa.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Email, kulmiyeparty1@gmail.com