Warsaxaafadeed Madaxtooyada: Magacaabid Xilal Cusub.

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo saaray laba xeer oo uu ku kala magacaabay labadan masuul ee hoos ku xusan, kuwaasi oo kala qaban doona Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.
1. Mudane, Xirsi Cali X. Xassan oo uu u magacaabay inuu noqdo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada.
2. Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu u magacaabay inuu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyada.

Allaa Mahad Leh,
Maamulka Xafiiska Madaxweynaha JSL
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa