Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ka soo Jeeda Beesha Saaxil oo taageertay Golaha Wasiirada Cusub
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xubno iskugu jira Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Waxagarad iyo Odoyaal oo ka tirsan Beesha Gobolka Saaxil ayaa si wayn u taageertay Golaha Wasiirada ee uu soo dhisay Madaxweynaha la doortay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Xubnahan oo shir ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa si wayn ugu taageeray Madaxweynaha Golahaasi Wasiirada iyagoo ku hambalyeeyay talaabada horumarka leh u qaaday taasi oo ay ku tilmaameen inay wax badan ka tarayso Baahiyaha ku gadaaman Qaranka Somaliland.
Gudoomiyaha Isbedal doonka Gobolka Saaxil ee Xisbiga Kulmiye C/laahi Abokor Aw Cismaan oo shirkaasi soo qabanqaabiyay ayaa hambalyo u diray Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynuhu isagoo xusay inay beeshoodu lahayd wasiiro tiro badan iyo Madaxweyne ku xigeen, kuwaasi oo aan waxba ka qabanin Gobolka Saaxil isla markaana Wasiirka loo magacaabay ee Gobolkaasi uu yahay nin lagu xushay Aqoon iyo Waayo aragnimo oo wax wayn dhaamaya Wasiiradaasi hore, waxaana uu ka dhawaajiyay inay si wayn u taageersan yihiin Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa “Marka hore waxaanu Madaxweynaha ku hambalyeynaynaa Wasiirada uu soo magacaabay ee tirade yar, waxaanaanu doonaynaa inaanu halka ka sheegno hadal suuqa la soo galiyay oo la leeyahay Beesh Ciise Muuse waxay heshay hal wasiir oo kaliya, waxaan leeyahay Beesha Ciise Muuse Waxay lahayd Wasiiro badan iyo Madaxweyne ku xigeen kuwaas oo aan waxba ka qaban gobolka ay ka soo jeedaan oo wax faa’iido u lahayn u dadka iyo dalkaba iyo waliba gobolka ay ka soo jeedaan, Wasiir la magacaabay waa nin aqoon leh, Waayo arag ah oo aanu ugu kalsoonahay, waxaanaanu Madaxweynaha ku taageersanahay go’aankaasi uu qaatay ee uu ku soo xushay Wasiiradiisa”. Ayuu yidhi Gudoomiyuhu
Gudoomiye ku xigeenka Isbadal doonka Gobolka Saaxil ee Xisbiga Kulmiye Axmed Xasan Cali (Like) oo sidoo kale isaguna kulankaaasi soo qabanqaabiyay ayaa xoog u amaanay Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay Madaxweynuhu isagoo ka dhawaajiyay in aanay wasiirada tirade badan wax faa’iido ah u lahayn Qaranka. Isla markaana ay Beeshoodu si wayn u taageersan tahay Golahaasi wasiirada ee tirade yar, waxaana uu tilmaamay in beeshoodu loo magacaabay nin masuul ah oo xil kas ah isla markaana wax badan ka taraya Gobolkiisa iyo Qarankaba “Madaxweynaha waan hambalyaynayaa, waxaanaan ku hambalyaynayaa go’aankaasi uu qaatay ee uu ku magacaabay tirade yare e wasiirada ah, isagoo ka dhabaynaya balankii uu u qaaday Shacabkiisa, waxaan leeyahay Madaxweynaha ninka aad u magacawday Beeshadayada waanu taageersanahay waana nin Masuul ah, Wasiirada badanina wax faa’iido ah uma laha Qaranka, markaa Beeshayadu way taageersan tahay”. Ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenku.
Gudoomiyaha Isbedal doonka Awal bari oo isaguna shirkaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha ku taageeray Xukuumadiisaasi uu soo dhisayo isagoo Illaahay uga baryay inuu la garab galo Xilkaasi culus ee shacabku u igmaday.
Xildhibaan Axmed Maxamed Yuusuf (Halac) oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Gobolka Saaxil ayaa hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa iyo qaabka uu u soo dhisay Xukuumadiisa oo ku tilmaamay inay mid ku cusub Somaliland.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Email, kulmiyeparty1@gmail.com