Madaxwaynaha Oo U Magacaabay Guddoomiye Cusub Gobolka Awdal.

Hargeysa(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo saaray xeer Madaxweyne No.004/072010 oo uu ugu magacaabay Gudoomiye cusub Gobolka Awdal.

Madaxweynuhu, isagoo tix-raacaya qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo in Gudoomiye loo magacaabo Gobolka Awdal, waxa uu u magacaabay Mudane, Maxamed Daahir Cabdalle inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh,

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Comments are closed.