Nimankaa Qurbaha Yuururee Qaylada u taagan Ee wada Qareenkiyo Diktoor qoranayee sheegtay Ee Qurus ka waa Reer tolkay qiil ka dhiganaaya

http://www.australiasigns.com.au/gal/safetygal/thumbs/lrg-114-burg-quality-approved.jpg

Anigoo oo waayadan wadankii ka soo maqnaa isla markaana Jeclaystay qaabka wax waliba u dhamaadeen Doorashadii & Xilwareejintii iyo Qaabka Dawlada Cusub loo dhisayba oo dhamaan ku dhamaaday si hufan ayaan ka biyo diiday maqaalo tiro badan oo waliba waxgarkii ummada iyo aqoon yahankii ka imanaya oo dhamaantood u badan ama ku salaysan Beeshayadii waxba lama siin iyadoo taas ay ka fiicnayd malaa in dhaliishu ahaato magacyada dawlada la soo dhisay oo hadii aan dad munaasiba loo arkayn la yidhaahdo kaasi munaasib maaha ama hebel ayaan halkaas ku haboonayn madaama aan taas wax ka hadlayaa jirin waxay iila muuqatay aragtidayda inaanay sax ahayn in qofku ku doodo hadii beeshaydu wax ka wayday dawladu cadaalad maaha waliba ay taasi gashay dadkii aqoon yahanka ahaa ,Anigoo markaas dareenkayga taas ka cabiraya isla markaana caalamka iyo sida dadka lihi ee muwaadiniinta ahi wax uga qabsadeen dareemaya ayaan tixdan yar ku cabiray mana ihi Abwaan sida dadka ninkii afar tiriyaaba u sheegto  marmar ayaan yara Tuuraa sida aad ka dareemi doontaan midhahaba.
Waxa uu Yidhi isagoo ku hal qabsanaya nin ay asxaab ahaayeen oo uu wadankii kaga yimi oo la Yidhaahdo Bashiir Cabdi Xariir:


Qiyaas gabay Bashiiroow baryahan Qaafkii maan tirine
Qalbigayga waataan ka jaray qodabadiisiiye
Qalin duure waaguu qaribay qaabadii dhigaye
Aan qotomiyo caawoo kalaan qun uga faalloone
Qurbahaan baryahan soo jiriyo,e Qaarad Eeshiye,e
Qorraxdaanu aragnaa dadkoo badiba qaafila,e
Qaybaa Aduunyadan ku nool Qoomkan Shiinaha,e
Qolo qolo ma sheegtaane waa Qaarad Waaxida,e
Qiimaha dhulkoodaad ka garan qaabka nololeede
Qusuur bay ka taageen Badiyo Qodanka Buuraaye
Qiiroo Nin tiisii  qaribay qaabadaan nahaye
Quruxna kuma lahoo Iyagu Qaadir may garane
Idinkoo Quraankiyo Cilmiga Qawlka Garanaaya
Saw inaan Qadhmuun ka hadalaa Qaayisnimo maaha
Anagu Qoomu Somaal  baanu nahay waaba  Qarinaaye
Waaba laga Qashaafaa Arlada Qaabkan aan nahaye
Qardufkiyo habaaskiyo Ninkaa Qadow ka Heesaaya
Ee Waliba Qooqa u bukaa waa Qisiyo Yaabe
Allahayow Qaribanaa Maxay Quf iyo Ciin daaqday

Afartaa Qorsheeyee miyaan qaafki ka habaabay
Qadaf kuma hadlin saw murtida Qiimo uma yeelin
Qodob kalena waa qayb dadkaan uga qisoon doono

Qarfadiyo Miyaa logu ogaa Qoloqolayn jaane
Qaadhaanka Guud Iyo Tolimo Qalayar Mooyaane
Ka Qadari Qaraabiyo Xigtada Qayrkood mooyaane
Waxaan qiilba loo helin markay Qalin ku doodaaye
Nimankaa Qurbaha Yuururee Qaylada u taagan
Ee wada Qareenkiyo Diktoor qoranayee sheegtay
Ee Qurus ka waa Reer tolkay qiil ka dhiganaaya
Aqoon yahay Qarnigan soo baxaw waa Qisiyo yaabe
Qaaid Xamari Iyo Wiilashii Qaiinimo Diiday
Qoomiyada Nimankaa ka dhigay Qarran Xusuus reeba
Iyaguba Qarnigan way Jiraan waana Qoranyiine
Qiimay ku leeyiin Dhulkii  Qaayo iyo Nuure
Kuwan Qaaqda uun soo hayaa Qabar ka Joogaaye
Allahayow Qaribanaa maxay Quf iyo Ciin daaqday

Afartaa Qorsheeyee miyaan Qaafki ka habaabay
Qadaf kuma hadlin saw Murtida Qiimo uma yeelin
Qodob kalena  waa waanadaan Qun uga Faalooday

Hadii Qaadirken Doorashadi Qayr inagu Dhaafshay
Oo uu Qiyaastiina Helay Qaa,idkaad wadatay
Qaadaa dhigeedii haduu Qoomam dhan u yeedhay
Qorshihii Hashaa lagu qasimay Qaybihiyo feenka
Ninka qaatay kii kaba qadiyo kii qawadi doona
Qamaamuurta Madaxdee Xirsugu qayd kamay heline
Cabdi Ciise Qayb lagama siin Qori Suldaankiiye
Ka Qatoome Reer Daahirkii oo Quud kamay heline
Qalin Samater kama qaadan oo muuse waa Qaadaye
Qusumkaasi waa mudan yahee Qoomomo la,aada
Qadafkana ka Jira Qaranimaa Qoys ka Waafiyaha,e

Magacyada Qabiilooyinka aan halkan ku xusay igama ahaa Xumaan waxaan usoo qaatay Hogotusaalayn kaliya waxaana igu kalifay Raga Reerahaas ka soo jeeda oo qaafiyada gabaygu martay  waxaanan ku faahfaahinayaa xaga hoose iyo sababata Insha Allaah.
Reer Xirsi (Xirsi Cusmaan ) oo uu ahaa Ninkii Cabdi Aw Daahir Xisbigana Muhiim u haa

Reer Daahir(Daahir Faarax) Maxamed Kaahin oo la Garanayo ka soo jeedo
Reer Samater  ( Reer Samater Sacad Muuse oo Muuse Biixi ahaa magaciisuna ku suagan yahay)
Iyo Cabdi Ciise oo ahaa Hogaamiyihii Xisbiga Ucid ee Mucaaradka ah oo wax badan hanashada Kumiye ee Kursiga ka suurogaliyay
Qaaid Xamari : waa Eng: Ciise Xamari iyo Ragii Commitionka doorashooyinka ku wehelinay
Markaas Qabiilooyinkaa waxaan usoo qaaday ragaas Muhiimka ahaa ee Xisbiga Kulmiye Kaalinta weyn kagan Jirayba in iyaga iyo Reerahooda midna aan wax la siin waana Hoga Tusaalayn uun

Saleh AW Muusa Xasan
Yiwu China
Salah_mose@hotmail.com

Comments are closed.