Wasiirka Cusub ee Wasaarada Qorshaynta oo maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera
Berbera(KULMIYE.ORG)- Wasiirka Cusub ee loo magacaabay Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali shire ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera.
Waxa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera ku soo dhaweeyay Maayarka Magaalada Berbera, Maareeyaha talada ka degaya ee Dekeda Berbera, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil, Salaadiin Cuqaal iyo dad wayne kale kuwaasi oo halkaasi ku qaabilay erayo soo dhawayn ah.
Wasiirka Cusub ee Wasaarada Qorshaynta oo ka hadlay qolka Nasashada ee Madaarka Magaalada Berbera ayaa u mahadnaqay dadwaynaha iyo Masuuliyiinta kale ee soo dhawaysay, waxaana uu u balanqaaday Shacabka Somaliland in uu u hawlgali doono sidii dalka Shaqo looga abuuri lahaa, waxaana uu sheegay in laga sugayo rajo ay keeni doonaan isaga iyo raga kale ee loo magacaabay wasiirada, waxaana uu xusay in aanuu waxba ula hadhin doono sidii loo gaadhi lahaa himiladeena.
Wasiirka Cusubi isagoo ka jawaabiyay su’aal ahayn in dibada laga riixayay markii loo magacaabay xilkan ayaa sheegay in xilka noocan oo kale ahi uu yahay mid lagu farxo, waxaana uu xusay in aanay jirin cid riixaysay oo ku khasbaysay in xilkaasi uu qabto, waxaana.
Duqa Magaalada Berbera oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Sacad Cali Shire uu ka mid yahay wasiirada lagu soo xushay aqoonta isla markaana laga filayo inuu wax badan qabto, waxaana uu xusay in aan loo soo xulanin qaab beeleed.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadkan soo dhaweeyay ay ka rajaynayaan inuu hormood ka noqdo isbedal hor leh oo ka dhaca guud ahaan Somaliland.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa