Madaxwayne Axmed Silaanyo Oo Maanta Markii ugu Horeysay Qado-sharaf Ku Qaabilay G/Wakiilada Somaliland
Hargeysa(KULMIYE.ORG)-Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta markii ugu horeysay kulan qado ah ku qaabilay Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ay hogaaminayaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Cabdicasiis Samaale.
Kulankan qadada ah oo ka dhacay Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa isla-markaana qaatay muddo laba saacadood iyo dheeraad ah, ayaa waxa ujeedadiisa lagu sheegay isbarasho iyo sidii labada Gole (golaha Wakiiklada iyo golaha xukuumada) ay uga wada shaqayn lahaayeen danaha shacabka Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid albaabadu xidhnaayeen oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa mudanayasha golaha Wakiilada qaarkood ka soo jeediyeen hadalo kala duwan kuwaas oo qaarkood ahaayeen tallo loo jeedinayo Madaxwaynaha cusub ee dalka dhawaanta loo dhaariyay Md Axmed Siilaanyo.
Xildhibaanada golaha ee halkaas ka hadlay ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo kula taliyay inuu ku dadaalo sidii uu uga dhabayn lahaa balan-qaadyadii uu hore ugu qaaday shacabka somaliland kuwaas oo hadda u baahan in isbadal dhinacyo badani ahi uu dalka ka dhaco.
Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna qadada ka dib xildhibaanada Golaha khudbad kooban u jeediyay ayaa la sheegay inuu sharaxaad dheer ka bixiyay waxyaabaha u qorshaysan inay dalka ka qabtaan maalmaha ugu horeeya ee xukunkiisa.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu golaha Wakiilada ka dalbaday maadaama oo uu xukuumad kooban soo dhisay inay niyad sami ah ula shqeeyaan, si la isugu kaashado horumarka la doonayo in dalka la gaadhsiiyo.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa