Madaxweyne Silaanyo oo Berito Muuse Biixi ku Wareejin Doona Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu Arbacada beri xilka guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Muuse Biixi Cabdi, arrintaasi oo qayb ka ah go’aan golaha dhexe ee KULMIYE ansixiyeen shirweynihii xisbiga ee sannado ka hor ka dhacay magaalada Burco.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada iyo xarunta dhexe ee KULMIYE oo arrintan caddaynaya, hasayeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijeen ilo xogogaal oo arrintaa u dhuun daloola, Arbacada beri, ayaa la filayaa in Muuse Biixi Cabdi si rasmi ah ula wareego guddoomiyenimada xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, isaga oo hadda haya xilka guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga.

Munaasibada madaxweyne Siilaanyo xilka guddoomiyenimada ugu wareejinayo Muuse Biixi Cabdi oo Arbacada ka dhici doonta Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa la filayaa inay ka soo qaybgeli doonaan masuuliyiin xukuumada ka tirsan iyo hoggaanka sare ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.

Xaflada ay xilka guddoomiyaha KULMIYE kula kala wareegayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi, waxa ay ka dambaysay, kulamo arrintaa ku saabsan oo labada masuul yeesheen, iyada oo Madaxweyne Siilaanyo hoggaanka KULMIYE ka reebay inay a mid noqdaan xukuumada cusub ee uu soo dhisay.

Sources Jamhuuriya

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Email, kulmiyeparty1@gmail.com

Comments are closed.