Madaxweyne Silanyo oo Guddoomiyenimadii KULMIYE ku Warejiyey Muuse Biixi
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si rasmi ah iskaga wareejiyey xilkii guddoomiyenimo ee xisbigiisii KULMIYE oo uu u gacangeliyey Guddoomiye ku-xigeenkiisii kowaad Muuse Biixi Cabdi, taas oo ay qayb ka ahayd go’aan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE isku raacay bishii 8-aad ee sannadkii 2008-dii in marka Madaxweynuhu talada ku guulaysto uu guddoomiye-ku-xigeenkiisa ku wareejiyo xilka.

Xaflad ballaadhan oo maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen, madaxweynaha Somaliland ee xilka wareejinayay Md. Axmed Silaanyo, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabddiraxmaan Saylici, Shirguddoonka Golayaasha Baarlamanka, Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan, Masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan KULMIYE, Guddoomiyaha xilka la wareegay, Wasiirro iyo marti-sharaf kale.
Munaasibadda oo furitaankeedii hadalka lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha somalilnad Md. Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa halkaasi ka jeediyey hadal uu dhawr qodob kaga hadlay.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xafladda maanta xisbigu isugu yimi oo ah inuu guto waajibaadkiisii iyo sharciyaddiisii dhigtay fulinteedii. Waxaan ku faraxsanahay in aan xilkii guddoomiyenimo ee xisbiga ku wareejiyo guddoomiye-ku-xigeenkii kowaad Muuse Biixi Cabdi,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay marxaladda Somaliland iyo doorashadii dalka ka dhacday oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid nooceedu ku yaryahay adduunka, isla markaana waxa uu sheegay in doorashadii iyo xil-wareejintii labada maamul ee Somaliland noqotay taariikh suntan oo soo dhawaysay himiladii Somaliland hiigsanaysay.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Doorashadii iyo xil-wareejintii Somaliland ee dunidu goob-jooga ahayd waxay noqotay mid tusaale u noqota qaybo badan oo dunida ka mid ah oo magac wayn iyo sharaf inoo soo jiiday oo aynu rajaynayno inay ina dhaxal-siiso inay soo dhawaato himilooyinkeenii uu ictiraafku ka mid ahaa, in dunidu wadashaqayn inala yeelato iyo in aynu horumar iyo wax-wada qabsani dunidu inala yeelato, meelo badan intii doorashada ka dambaysay hay’adda badan oo caalami ah oo Baanka Adduunku ka mid yahay, qaar reer Yurub ah, kuwo Qaramada Midoobay ka tirsan, qaar kale oo caalami ah iyo dawladihii doorashada inaga caawinayeyba, dhammaantood waxay inoo muujiyeen inay diyaar u yihiin inay wax inala qabtaan oo aynu halkaa hore uga sii socono, Ilaahay waxaan ka baryayaa dawlad iyo shacaba in aynu halkaa hore uga sii socono oo aynu ummaddeena isbeddelkii aynu u ballanqaadnay kaga dhabayno.”
Guddoomiyiyayaasha Baarlamanka (Wakiillada iyo Guurtida) Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo halkaasi iyaguna ka hadlay, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE tallaabo wanaagsan qaaday oo mudan in lagu daydo, waxaanay dardaarano u jeediyeen Guddoomiyaha cusub ee la wareegay KULMIYE.
Guddoomiyaha cusub ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo xafladda ka hadlay, ayaa ammaan fara badan u jeediyey Madaxweynaha dalka Md. Siilaanyo oo uu sheegay in aannu weligii ka bixin heshiis ama ballan uu qaaday, waxaannu xusay in Madaxweynuhu uu noqon doono odaygooda, isla markaana iyaguna noqon doonaan baalasha uu ku duulayo.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa