Xukuumadda oo Digniin u Dirtay Sallaadiin ku Shiray Deegaanka Buuhoodle

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xukuumadda Somaliland, ayaa dedaafaysay qodobo ka mid ah heshiis nabadeed oo ay dhawaan ku kala saxeexdeen qaar ka mid ah salladiinta Togdheer iyo deegaanka Buuhoodle, gaar ahaan dhinaca ciidammada qaranka ee jiidaas ku sugan.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyadda, ayaa soo dhaweeyey qaar ka mid qodobada nabadgelyada ee ay labada dhinac wada gaadheen, balse sheegay inaanay farogelin karin arrimaha ciidamada qaranka oo mid u taalla xukuumadda Somaliland.

shirka jaraa’idna waxa uu u dhacay sidan:”Shirkan jaraa’id waxan saxaafadda ugu yeedhnay, waxa jira shir ay dhawaan madaxdhaqameedka Burco iyo Buuhoodle ay deegaankooda kaga hadleen arrimmo nabadgelyo, waxaanay isku afgarteen qodobo caawimanaya nabadgelyada deegaankaas, waxaanay ku soo qaadeen qodob ciidanka qaranka oo sida muuqata aanay xaq u lahayn inay ku darsadaaan ajandahooda, xukuumadda Somaliland oo u taagan nabadgelyada waxay soo dhawanaysaa dhaq dhaqaaq kasta oo nabadgelyada lagu xoojinayo, xukuumaduy waxay si cad u sheegaysaa arrimaha ciidmamadu inaanay ahayn mid laba kooxood amma laba shakhsi ay ka talin karaan ee u taala xukuumadda Somamd.

xukuumadu waxay mabd’ a ahaan taageersantahay dhaqdhaqaaq kasta oo u adeegaya nabadgelyada iyo madaxdhaqzameedka oo ay u hayso isxtiraam, waxay xukuumadu si cad u sheegaysaa in arrinta cidanku tahay mid ay iyad leedahay oo wasaaradda gaashaandhiga iyo arrimaha debeda ee aanay ahayn mid uu taalla.

Xafiiska warbaahinta kulmiye
Hargeysa

Comments are closed.