Madaxtooyada Oo Beenisay War ku Soo Baxay Wargeyska Hargeysa Star Oo Ka Soo Baxa Magaalada Hargeysa.
Hrfeysa-(KULMIYE.ORG-Wargeyska Hargeysa Star oo ah wargeys cusub ayaa cadadkiisii maanta oo ah kii 3aad waxa uu ku qoray war uu ku sheegay in uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) safar ku tegayo Magaaladda Berbera, kaas oo uu Wargeysku ujeedadiisa ku sheegay in uu Madaxweynuhu xadhiga ka soo jari doono Maxjar ay leedahay shirkadda Indha deero.
Waxaanu aad uga xunahay in uu warkaasi gabi ahaanba yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo aanay waxba ka jirin.
Ma jiro Socdaal wakhtigan Madaxweynaha u qorshaysan oo uu Berbera ku tegayaa.
Ugu danbayn, Wargeyska waxaanu uga digaynaa in uu ka waantoobo been abuurka sidan ah, isagoo weliba ah wargeys soo koraya oo ay u wanaagsan tahay in uu runta lagu barto.
ALLAA MAHAD LEH
AF-hayeenka Madaxtooyadda JSL
C/laahi Maxamed